Daawo: Odayaasha beesha Guriceel oo ka horyimid Ahlu-Sunna una hanjabay Shaakir

Gurceel (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud ayaa ka soo hor jeestay joogitaanka ururka Ahlu-Sunna ee magaaladaas, waxayna sheegeen in Sheekh Shaakir uu ka diiday kulan ay ka dalbadeen, si ay u gala hadlaan xaaladda cakiran ee magaalada Gurceel.

Odayaashaan oo warbaahinta la hadlay ayaa cod dheer ku sheegay in aysan aqbaleyn xaaladda ay ku sugan tahay magaalada Gurceel oo sida ay sheegeen hadda noqotay ‘dhufeys ciidan’ sidoo kale dadkii shacabka ahaa ayey odayaashu sheegeen inay isaga carareen magaalada.

“Sheekh Shaakir xiriirkiisaan raadinay, in badan ayaan isku daynay, anagoo 15 odayaashii dhaqanka ah, ayaan maanta iridda gurigiisa mudo hal saac ah taagneyn, waxaan isku dayeynay inaan la kulano oo kala hadalno xaaladda magaaladaan dadkii shacabka ahaa ay ka barakaceen, balse waa nagu dhageystay la kulankeenana waa diiday, Sheekh Shaakir ma aqoon yaride gadaal u fiiri waxa nagu dhacaya, adigu guri qorxoon ayaad isaga jirtaa, laakiin shacabkii Gurceel guryahooda ayey isaga carareen,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha.

Oday kale ayaa yiri, “Odayaashii magaaladaan anagaa ah, mana aqbaleyno xaaladda hadda ay Gurceel ku sugan tahay, naga bixiya ciidamadaan, qax kuma sii jiri karno, dagaalna uma rabnee Ahlu-Sunna ha isaga baxdo Gurceel.”

Odayaasha qabtay shirkaan jaraa’id ayaa ka soo jeeda beesha Ayaanle Cayr, oo ka mid ah jufooyinka ugu saameynta Cayr-ka daga Gurceel, waxayna sheegeen in Sheekh Shaakir aysan ka yeeli doonin in magaaladooda uu dagaal ku dhex-galo oo furin colaadeed uu ka dhigo.

“Toos ayaan u beegsanayaa Sheekh Shaakir, naga dul qaad Sheekh ciidankaan aad lasoo gashay magaalada, hadaa diido meeshaan dad ayaa dega, waana kuu jawaabi doonaa, Insha Allaah,” ayuu yiri Oday kale.

Hoos ka daawo