Muxuu CC Sharmaarke ka yiri xukuumadda XAMZA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo wareysi siiyey Telefishinka HBN ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan xukuumadda cusub ee la soo dhisay iyo shaqooyinka horyaalla.

Cumar Cabdirashiid ayaa ugu horreyn soo dhaweeyey dhismaha xukuumadda, wuxuuna shaaca ka qaaday in ra’iisul wasaare Xamza iyo Golihiisa Wasiirada looga baahan yahay inay la yimaadaan qorshayaal wax looga qabanayo amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in amniga guud ee dalka wax laga qaban karo, marka la sugo kan caasimada Muqdisho, wuxuuna ku taliyey in laga hortago kooxaha ciyaal weerada iyo ragga hubeysan ee dilalka qorsheysan iyo weerarada qaraxyada ah ka geysta caasimada.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa soo dhoweeyey magacaabista Sheekh Mukhaar Cali (Abuu Mansuur) oo ka mid noqday Golaha Wasiirada cusub kaas oo loo dhiibay wasaaradda diinta iyo awqaafta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in arrin wanaagsan ay tahay balse wuxuu soo jeediyey in looga faa’iideysto dagaalka Al-Shabaab.

Waxa kale oo uu ka dalbaday dowladda cusub inay ka shaqeyso hagaajinta xiriirka caalamiga ee Soomaaliya iyo isku heynta dalalka gobolka iyo kuwa dariska la ah Somalia.

Ugu dambeyn wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in lalal shaqeeyo xukuumadda, si loo gaaro horumar ballaaran iyo meesha la hiigsanayo oo ah Soomaali barwaaqo ah.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo Axadii la soo dhaafay Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen xildhibaannada Golaha Shacabka.