Sannad-guuradii 26-aad ee duullaankii Itoobiya ee Gedo + Magacyada dadkii la dilay

Maanta oo kale 26 sano ka hor ciidanka Itoobiya ayaa weerar cir iyo dhul ah ku qaaday gobalka Gedo. Waxaa soo gudbay ciidammo tiro badan oo wata taangiyo iyo diyaarado. Waxaa ay duqaymo ka gaysteen Luuq iyo Boholgaras. Sidoo kale waxaa ay galeen magaalooyinka Baladxaawo iyo Doolow. Waxaa ay laayeen dad badan oo shacab ah. Waxa ay kala sooc la’aan duqaysay masaajidda, guryaha iyo suuqyada. Dadka ay ku laysay masaajid dhexdiis waxaa ka mid ahaa AUNtee Aadan sheekh Xasan Gaas oo ahaa guddoomiyihii dagmada Luuq waqtigaas.

Hasa yeeshee dhibtii maalintas dhacday waxaa milyan jeer ka darnaa wixii ka dhashay. Maalintaas laga billaabo waxaa isbaddalay aragtidi ay Itoobiya ka haysatay Soomaalida. Waxaa dibadda yimid daciifnimada hoggaamiyayaashi Soomaalida Itoobiyana si wacan ayay uga faa’iidaysatay. Waxay billowday in ay Soomaalida ula dhaqanto sidii dad aan dal iyo dowlad lahayn oo ah qabiillo reer guuraa aan nidaam aqoon ah. Waxay xoogga saartay sidii ay maamulkeeda u hoos keeni lahayd. Gedo ayay si dhaqsa ah u milkiday. Waxay xarummo rigli ah ka samaysatay Luuq oo ilaa maanta daggantahay. Baay iyoBakool ayaa ku xigsaday ugu danbayna waxaa gacanteeda galay caasimadda dalka 28/12/2006 toban sano ka dib weerarki Gedo.

Sidoo kale 9/8/1996 waa maalintuu uurgalay ururka Alshabaab oo ah halista ugu weyn ee maanta ina haysa. Goortii Itixaad laga qabsaday magaalooyinka waxaa ay billaabeen in ay jamhadeeyaan. Dhammaan taatikooyinka uu maanta Shabaab isticmaalo markaas ayay soo billowdeen oo marki lasii xanuujiyaba wax ay ku sii darayeen. Madaxjabiska, gowraca iyo jid miinaynta iyo kuwoo kaloo badan ayaa barigaas billowday. Ka dib markii u dagaalki dheeraaday oo dhibtii badatay waxaa shir sanadeedki Itixaad lagu qabtay Xamar 31/7/1999-05/08/1999. Shirkaas waxyaabihi kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in hubka la dhigo oo dhallinyarada la kala diro. Laakiin waxaa diiday go’aankaas kooxda noqon doonta madaxda Shabaab sida Xasan Daahir iyo Ibraahin Afqaan. Laakiin lama aysan bixin magac cusub ilaa laga soo gaaray 2006.

Sidaas darteed dhammaan dhibaatooyinka dalkeenna ka jira waxay si un xiriir ula leeyihiin weerarki 1996-ki Xabashidu ku qaadday Gedo. Hasa ahaatee maalintaas sidaas u culus cidna isma waydiin sababti keentay maxay ahayd? Sidoo kale, ma soo jiidan indhaha cilmibaarayasha iyo taariikhyahannada. Hubaashi waaba la iska illaaway. Inshallahu buug dhawaan soo bixi doona ayaa kaalintaas dabooli doona. Buuggu wuxuu isku dayini doonaa inuu bidhaamiyo waxyaabihii soo dhacayay ee sababta u noqday in ay dhacdo 9/8/96. Wuxuu sidoo kale buuggu ku dedaali doonaa inuu tilmaamo shaqsiyaadki ka masuulka ahaa wixii dhacay, ugu danbayna wuxuu soo bandhigi doonaa in la baaqsan karay weerarkaas iyo kale.

Maanta se aan xusno dadkii Xabashidu sida arxandarrada u xasuuqday 9/8/1996 ee carruurta, haweenka, waayeelka iyo xufaadda lahaa innagoo u ducaynayno dhammaan, sidoo kalana wadaagayno magacyadii intii nasiibka u yeelatay in kaydiyo. Hoos waxaa ku qoran magacyada 122 qof oo Xabashidu ku dishay Luuq iyo Baladxaawo 9/8/1996. Waxaan kasoo raray magacyadaan iyo qabiilooyinka ay u dhasheen buugga Cadowkeennu waa Kuma ee uu qoray Cabdullahi Faarax Taano. Tirada dhimashadu intaas waa ay ka badnayd ee intaan waa intii ay suuragashay in magacyadooda la qoro.

Magaca

Qabiilka

1:Jaamac Cabdullahi Faarax   

Marreexaan Celi

2: Cabdullahi Muxammed Tareey 

Marreexaan reer Axmed

3: Cabdinaasir Cabdullahi Macallin  

Marreexaan Wagardhac

4: Cabdirashiid Faarax Cali (Faarax Taano) 

Marreexaan reer Diini Reer Siyaad

5: Cabdi Maxammed Xaashi  

Marreexaan Uurmidig

6: Maxammed Sheekh Axmed

qolo uu yahay lama helin

7: Gaasow Xaashi Shire

Marreexaan reer Axmed

8: Ibrahim Maxammed Dhaqane

qoladiisa lama helin

9:Cabdi Axmed sheekhdoon

Marreexaan Wagardhac

10: Axmed Cabdi Faarax (Qablan)

Marreexaan reer Diini reer Siyaad

11: Ciise Cabdiraxmaan Ducaale

Marreexaan Calidheere

12:Cabdirisaaq Xasan Sh. Yuusuf

Marreexaan Calidheere

13: Cabdirisaaq Daahir Xirsi

Marreexaan reer Diini reer Warsame

14: Cabdirisaaq Axmed Warsame

qolodiisa lama helin

15: Axmed Ismaaciil Qoslaaye

Marreexaan Calidheere 

16: Xasan Maxammuud Iinshaar

Marreexaan Calidheere 

17: Cumar Khaliif Maxammuud

Marreexaan reer Axmed

18: Cabdiraxmaan Oogle Jaamac

Marreexaan reer Diini reer Ugaas Sharmaake

19: Amina Hurdaaye

Marreexaan Calidheere 

20: Cabdiraxmaan Cabdi Cilmi

Marreexaan Wagardhac 

21: Buulle Diiriye Ciye

Marreexaan Calidheere 

22: Axmed Ibrahim Xuseen

Marreexaan Calidheere 

23:Saciid Cabdikariin Warsame

Marreexaan Calidheere 

24: Jaamac Cabdi Yarow

Absame Bartire

25 maxammed Cabdullahi Cali

Raxanweyn Laysaan

26 Maxammed Carab Maxammuud

Marreexaan Calidheere 

27:Xuseen Shuqul

Marreexaan reer Cismaan

28:Cabdiqaadir Axmed Ciise

Marreexaan Wagardhac 

29: Addeec Cali Hanbo

Marreexaan reer Axmed 

30:Cali Cabdulle Hiire

Marreexaan reer Diini reer Dalal

31: Cabdikariin Cumar Aadan

Marreexaan reer Diini reer Allamagan Diini

31 Macallin Yuusuf Magaalle

Marreexaan reer Xasan

32: Macallin Aadan Cabdinuur

Marreexaan reer Xasan

33: Cabdirashiid Cumar Cilmi

Marreexaan reer Diini reer Shirwac Diini

34: Xuseen Ooyow Soomow

Murale

35: Maxammuud sheekh Faarax

Marreexaan reer Axmed

36 Cabdi Cali Gargaar

Marreexaan reer Axmed

37 Yuusuf Caydiid Biixi

Marreexaan reer Axmed

38: Maxammed Umal Iinshaar

Marreexaan Calidheere 

39:Cabdinaasir sheekh Xasan

Marreexaan reer Xasan

40: Ibraahin Magaalle

Marreexaan reer Xasan

41: sheekh Maxammed Xasan Cali

Dir Gariire

42: Maxammed Cabdi Guure

Ogaadeen Cawlyahan 

43: Xasan Cabdiwaaxid sh Cabdullahi

Marreexaan reer Garaad

44: Maxammuud Faarax Maxammed

Marreexaan Calidheere 

45: Cumar Xaaji Aadan

Marreexaan reer Diini reer Siyaad

46: Muuse sheekh Cabdi

Marreexaan reer Yabar

47: Cabdinuur sheekh Xasan

Ogaadeen Cawlyahan 

48: Bishaar Duge dhaqane

Marreexaan reer Axmed 

49: Cabdirashiid Haajir

Dir Fiqi Muxummed

50 Siyaad Yuusuf Coogweyne

Ogaadeen

51 Cabdullahi Faarax

qolodiisa lama helin

52: Cabdirashiid Xasan Mursal

Marreexaan reer Yabar

53; Mahad Gamaaddiid

Absame Galimays

54: Saciid Xasan Maxammed

Marreexaan Calidheere 

55: Maxammed Cabdi

Marreexaan reer Xasan

56: Aadan Sh Xasan Gaar (Wuxuu ahaa gudoomiyihii Luuq marka la dilayo)

Marreexaan reer Diini reer Siyaad

57: Cabdirashiid Yoontooy

Hawiye Wacdaan 

58: Xasan Cali Isaaq

Garre

59: Sh Maxammed Faarax

Ogaadeen Cawilyahan

60: Maxammed Cali Jaamac 

Majeerteen

61: Xasan Maxammed Qase

Marreexaan reer Axmed 

62: Rashiid Ilyaas Cumar

Marreexaan reer Xasan

63: Aadan Cabdi Salaad

Ogaadeen Cawlyahan 

64: Axmed Sheekh Cali

reer Axmed

65: Maxammed Aadan (Abuu Diyana)

Madhibaan

66: Macallin Bashiir Maxammed

Ogaadeen Cawlyahan 

67: Maxammed Cabdullahi

Ogaadeen

68: Xuseen Maxammed Warsame

Marreexaan Reer Garaad

69: Cabdiraxmaan Baarreey

Ogaadeen Cawlyahan 

70: Axmed Cismaan Xaaji Cabdi

Marreexaan Calidheere 

71: Cismaan Cabdi Maxammed

Dhulbahante

72: Aadan Caddow Xasan

Marreexaan reer Xasan

73: Cabdinuur Cabdinaasir Xaashi 

Majeerteen

74: Aadan Cismaan Maxammed

Marreexaan reer Xasan

75: Cabdullahi Xuseen Qoriyow

Marreexaan reer Xasan

76: Cali sheekh Cabdulle

Marreexaan reer Axmed

77: Cabdikariin Yuuruf Garre

Awrtable

78: Aadan Axmed Qablan

Marreexaan reer Diini reer Siyaad 

79: Bashiir Wali Sulub

Dir Gaadsan

80: Maxammed Saciid Macallin

Marreexaan Talxe

81: Muuse Abshir Aadan

Raxanweyn Gabaaweyn

82: Cabdiraxmaan Sh Ismaaciil

Marreexaan Celi

83:  Bashiir Dheelmooy

Marreexaan Hawraarsame

84: Cabdishakuur Abshir Cartan

Marreexaan Wagardhac 

85: Maxammed Cabdiqaadir

Ogaadeen

86: Axmed Sh Cali

Hawiye Jajeele

87: Cali Cismaan Cabdullahi

Marreexaan Calidheere 

88: Axmed Cabdi Maxammed

Marreexaan Calidheere 

89: Bashiir Lambar Duwe

Marreexaan reer Ina-Nuur

90: Cabdiqaadir Shariif Madoobe

Asharaaf

91: Aadan Sh Abshirow

Raxanweyn Laysaan

92: Ismaaciil Xuseen Axmed

Raxanweyn Gasaaragude

93: Maxammed Xasan Moos

(qabiilkiisa lama helin)

94: Muxayaddiin Diiriye Aadan

Ogaadeen Cawlyahan 

95: Indhacadde

Marreexaan Wagardhac 

96: Caddow Maxammed Laysaamow

Raxanweyn Laysaan

97: Faadumo Mayow Mayow

Raxanweyn Gabaaweyn

98: Shugri Mayow Sh Cali

Raxanweyn Gabaaweyn

99: Cabdiwahaab Mayow Sh Cali

Raxanweyn Gabaaweyn

10: Faadumo Axmed Maxammed

Raxanweyn Gabaaweyn

101: Ismaaciil sheekh Xasan

Raxanweyn Gabaaweyn

102: Mustaf Daa’uud Mayow

Raxanweyn Gabaaweyn

103: Khadiijo Faarax Ogaadeen

Marreexaan Celi 

104: Xaddiyo Macallin

Marreexaan Celi 

105: Axmed Cadduur

Marreexaan reer Axmed 

106: Cawke Xasan Xaaji

Ogaadeen Cawlyahan 

107: Daahir Cali Walaalow 

Raxanweyn

108: Ismaaciil Aadan Biriq 

Raxanweyn

109: Xasan Bacaad Malbaale

Marreexaan Hawraarsame reer Iidow

110: Bishaar Maxammed Qaasin

Raxanweyn 

111: Bishaar Xasan Nuur

Marreexaan reer Axmed

112: Shugriya Ciise Weer

Marreexaan reer Axmed

113: Cabdullahi Cismaan Axmed

Marreexaan reer Axmed

114: Maxammed Cismaan Kacaan

Marreexaan reer Xasan

115: Axmed Faarax Geelle 

Majeerteen

116: Cali Nuur Kalkaal

Raxanweyn Diisow

117: Hore Kinaa Sharmaake

Marreexaan reer Diini reer Ugaas Sharmaake

118: Xuseen Caddow

Marreexaan Hawraarsame

119: Mahad Maxammed Guuleed

Reer Shabeelle

120: Cabdullahi Cali Salaad

Reer Shabeelle

121: Cabdi Cali Maxammuud

Reer Shabeelle

122: Faadumo Sulub Diiriye

Dir Gaadsan


Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com