CC Sharmaarke oo shaaciyey ujeedka wada-hadalkii uu la yeeshay R/W ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kula kulmay ra’iisul wasaarihii hore ee Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo dhowaan oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Rooble iyo Sharma’arke ayaa wadahadallo gaar ah ka yeeshay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa faah faahin ka bixiyey kulankan oo uu ku wehlinayey wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ceynte, wuxuuna shaaciyey inay casuumaad ka heleen Rooble.

Cumar Cabdirashiid ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in kulankooda ay diiradda ku saareen dooda ka taagan doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xariiqay in wadahadalka lagu gaaro is-faham buuxa.

“Wuu ku mahadsan yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble casumaadda uu inoo sameeyay aniga iyo wasiir hore Cabdiraxmaan Ceynte, xaqiiqdii doodaha doorashada mararka qaar waxaa lagu gaaraa is faham” ayuu yiri Cumar C/rashadiid Cali Sharma’arke.

Wadahadalladan ayaa qeyb ka noqonayo kulamo siyaasadeed oo haatan ka socda Muqdisho, kuwaas oo looga arrinsanayo arrimaha taagan ee la xiriira doorashooyinka.

Sharma’arke ayaa ka mid ah siyaasiyiinta saameynta leh ee sida weyn u dhaliilsan qaabka ay haatan wax u wado Villa Soomaaliya, wuxuuna soo jeediyey baaqyo kala duwan.

Horey waxa u sheegay in “si looga fogaado baarlaman lagu muransan yahay, dalku kala qeybsamo, ama kasii daro xanuun kale oo Ethiopian ah: a) Joojiya doorashada lagu shubtay, b) Dib usoo celiya hanaan doorasho oo dhex-dhexaad ah maadaama heshiiskii August uu horseeday wax is-daba marin baahsan, c) Ku dara kormeerayaal si sare loogu qaado kalsoonida.”

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii