Erdogan oo amray in hadda kadib TURKEY ay adeegsato magac DAL oo u dhigmaya…

Ankara (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wax looga beddelay hab qoraalka magaca uu dalkaas u adeegsanayo dhaq-dhaqaaqyada kala duwan ayada oo laga dhigay “Türkiye” halka markii hore uu ka ahaa “Turkey.”

Wareegtada ayaa lagu sheegay in go’aankan looga dan leeyahay in lagu ilaaliyo qiyamka ka yimaada taariikhda fog ee qaranka dadka Turkish-ka. 

Inkasta oo macnaha ahaan ay isku mid yihiin Türkiye iyo Turkey, oo ay kala yihiin luuqadaha Turkish-ka iyo English-ka, haddana Ankara ayaa dooneysa inay xoojiso aqoonsiga dhigaalka Türkiye.

“Ereyga Türkiye waxa uu habka ugu wanaagsan u matalaa una muujiyaa dhaqanka, ilbaxnimada iyo qiyamka qaranka Turkish-ka,” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday madaxweyne Erdogan.

“Sidaas darteed, jumladda ah “Made in Türkiye” ayaa hadda kadib la adeegsan doonaa beddelka “Made in Turkey” marka ay noqoto badeecadaha aan dhoofino, taasi oo ah qabka dalkeena ee ganacsiga caalamiga ah.” 

Sumadda “Türkiye” waxay matashaa kumanaan sano oo ah khibradda Turkish ee dhinacyo bada. 

Agaasimaha isgaarsiinta ee madaxtooyada Turkey Fahrettin Altun ayaa aad usoo dhoweeyey go’aankan. “Waa tallaabo kale oo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta sumadda Türkiye,” ayaa yiri. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii