Xog: Dowladda Mareykanka oo cadaadis ku billowday R/W ROOBLE iyo amar la siiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda Mareykanka ayaa wada dadaal xoog leh oo ku aadan in wax laga bedelo hanaanka loo maamulayo doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo dhawaan ka bilaabatay magaalooyinka Dhuusamareeb, Baydhaba iyo Muqdisho.

Mareykanka ayaa haatan Ra’iisul Wasaare Rooble ku cadaadinaya inuu qabto shir deg deg ah, kaas oo ka dhaca Muqdisho, ayna isugu imaanayaan  xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ee Rooble iyo madax goboleedyada dalka.

Dowladda Mareykanku waxay soo jeedisay oo ay qorsheyneysaa in shirkaas lagu go’aamiyo sidii wax looga bedeli lahaa hanaanka loo maamulayo doorashada dalka ka socota oo durba dhalisay xiisado xoog leh, kadib markii bareer loo boobay kuraasta qaar.

Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ah maamullada illaa hadda qabta doorashada qaar ka mid ah kuraasta golaha shacabka ay diidan yihiin oo aad ay uga caga-jiidayaan qabsoomidda shirkaas.

Madaxweynayaasha maamullada qabtay doorashooyinka sida weyn loo saluugay ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa la sheegay inay kasoo hor jeedaan qabsoomidda shirka ay dalbaneyso dowladda Mareykanka, waxaana jira warar sheegaya in Qoor Qoor iyo Lafta Gareen ay qorsheynayaan in maalmaha soo socda ay u safraan dalka Turkiga.

Mareykanka waxaa la sheegay inuu aad u saluugay dabacsanaanta Ra’iisul Wasaaraha oo ah hoggaamiyaha doorashooyinka dalka, taas oo keentay in Rooble hadda loo soo jeediyo inuu isugu yeero golaha wadatashiga qaran, si wax looga bedelo eedeymaha xariirka ah iyo boobka hareeyay doorashada golaha shacabka.

Sida qorshuhu ahaa doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa lagu balansanaa in lasoo gabagabeeyo ka hor dhamaadka bishan December, balse ma muuqato suurta galnimada dhowrista jadwalkaas .

Dhankooda golaha midowga musharaxiinta ayaa la sheegay in cadaadis xoog leh ay ku hayaan  madaxda dowlad goboleedyada, sidoo kale horay waxay u qaadaceen doorashada ka socota dalka, waxaana mucaaradka Muqdisho uga socda kulamo aan la garaneyn waxa ka soo bixi doona.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii