25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

CEEB: Abbas oo qarxiyay cida ka danbeysay in Qudus lasiiyo Israel + Sawirro

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa walaac xoogan laga muujinayaa dadaalka ay dowlada Sacuudi Carabiya ugu jirto in caasimada Israel si rasmi ah loogu raro magaalada Qudus ee Falastiin.

Maamulka Falastiiniinta ayaa sheegay in qorshaha Sacuudiga uu yahay in dowlada Israel si rasmi ah loogu wareejiyo Qudus, balse rabitaanka ceynkaasi ah uu ku daadankaro dhiigbadan.

Maamulka Falastiin ayaa sheegay in qorshaha Israel lagu siiyay Qudus uu yahay mid uu dhabarka ka riixaayo Amiirka dhaxal sugaha ah ee reer Sacuudi Mohammad bin Salman.

Mohammad bin Salman, ayaa la xaqiijiyay inuu gacansaar la leeyahay Mareykanka si ay u hormariyaan gorgortan ka dhan ah Falastiiniyiinta, kaa oo loogu eexanayo Israel.

Amiirka Sacuudiga Mohammad bin Salman, ayaa arrinta Qudus horay ugala hadlay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Abbas, balse Cabbaas ayaa ku goodiyay in Sacuudiga ay dhabar jab ku sameyn doonaan haddii ay dhacdo in go’aanka Qudus ay ku raacdo Israel.

Qorshooyinka adage ee Amiirka Sacuudiga Mohammad bin Salman, ayaa waxaa kamid ahaa in Cabbaas laga dhaadhiciyo qorshe ka dhan ah xuquuqda ay leeyihiin qaxootiga Falastiiniyiinta inay kusoo laabtaan dhulkooda iyo xaaladda Qudus ee caasimada mustaqbalka Falastiin taas oo badalkeeda ay wax kale helayaan.

Sidoo kale, Qorshooyinka fashilmay ee dowlada Sacuudiga ayaa waxaa kamid ah in arrintaan uu qaabeeyay wiilka uu sodoga u yahay madaxwaynaha maraykanka Donald Trump, isla markaana kamid ah la-taliyayaasha gaarka ah Mr Jared Kushner, oo xiriir wanaagsan la leh Mohammed bin Salman.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa horay u sheegay in Kiiska Qudus ay daba rogayaan dowladaha Khaliijka waxaana iminka rumoobaya haddalka Erdogan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA BIN SALMAN, JARED KUSHNER, TRUMP IYO NATANIYAHU

JARED KUSHNER OO AH WIIL UU SODOH U YAHAY TRUMP IYO BIN SALMANDONALD TRUMP IYO WIILKA UU SODOHA U YAHAY EE JARED KUSHNER

TRUMP IYO MAXAMED BIN SALMAAN OO KAWADA HADLAAYA ARINTA QUDUS

JARED KUSHNER, MAXAMED BIN SALMAAN IYO GABADHA TRUMP 

MAXAMUUD ABBAAS IYO MAXAMED BIN SALMAAN OO KAWADA ARINTA QUDUS

TRUMP, NATANIYAHU IYO WIILKA UU SODAHA U YAHYA TRUMP JARED KUSHNER 

- Advertisement -

Read more

Local News