Chelsea ayaa ka fikireysa inay soo dhaqaajiso weeraryahanka quwada leh ee kooxda Vitesse Arnhem Wilfried Bony. Sida uu qoray wargeyska Daily Mail.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Ivory Coast ayaa 12 gool dhaliyey 11 kulan oo uu u saftay kooxdiisa xilli ciyaareedkaan waxaana lagu qiimeeyaa 8 milyan oo ginni.
23 jirkaan ayaa bishii August inta badan loo qiimeynaayey inuu ku biiro kooxda ka dhisan Ingiriiska ee Aston Villa.
Dhanka kale, tababaraha Fluminense  Abel Braga ayaa xaqiijiyey in daafaca midig ee dalka Brazil Wallace oo 18 jir ah uu ku biirayo Chelsea laakiin weli lama dhameystirin saxiixa warqadaha lagula kala wareegayo.
Da’yarka PSV Eindhoven Riechedly Bazoer ayaa waxaa isbuucaan booqday Chelsea iyo Arsenal iyadoo mustaqbalkiisa lala xiriirinayo.
16 jirkaan daafaca ka ciyaara ayey PSV ka dalbatay qandaraas sedax sano ah laakiin wuxuu isha ku hayaa inuu u dhaqaaqo England iyadoo ay sidoo kale Manchester City ku jirto kooxaha daneynaya.
W/Q: Ahmed Jaangoan
Email: [email protected]
Caasimada – Somalia.