Axmed Madoobe & Ismacil Saxardid oo looga yeeray Madaxtooyada!

Warar aan ka helayno Aqalka Madaxtooyada Vila Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegayaan in Madaxwaynaha uu qadka Telefoonka kula xiriiray Masuuliyiinta dowlada iyo Raaskambooni ee jooga Kismaaayo.

Madaxwayne Xasan ayaa si gaar ah waxaa uu ula hadlay Hogaamiyaha Raaskambooni Axmad Madoobe iyo Waliba Taliyaha ciidamada dowlada  Cismaaciil saxardiid oo labadooda Maskaxdooda ka socda waxii ay doonaana Kismaayo kasameeyo iyagoo cabsi aan ka qabin Madaxda dowlada.

Sida Xogta aan ku helayno madaxwaynaha ayaa ka dalbaday in labadooda ay yimaadaan Muqdisho si ay ula shiraan Saraakiisa Dowlada iyo Amisom.

Xiriirka Madaxwaynaha uu la sameeyay Axmad Madoobe iyo Cismaaciil Saxardiid ayaa waxaa uu soo baxay markii ay kulan ka yeesheen Amisom iyo Madaxwaynaha Is hortaagii lagu sameeyay Wafdi dowlada ka socday oo Kismaayo geli lahaa.

Labada Nin ee loo yeeray ayaa waxaa ay doonayaan in Magaalada Kismaayo  iyaga ay la wareegaan taas oo ay raali kaga tahay Dowlada Kenya.