Tarsan oo muddo kadib afka furtay: Shaqadiisa oo uu dad kale u diray.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmad Nuur Tarsan ayaa dar daaran u jeediyay Xukuumnada Soomaaliya taa oo dhinacya badan ka hadlaysa.

Tarsan ayaa ku war geliyay Dowlada Soomaaliya inay dar dar geliso Xaalada Amaanka Gobolka oo uu sheegay in waqti badan iyo dadaal ay ku bixiyeen Amaanka uu sheegay in hada uu ka jiro Muqdisho.

Waxaase yaab leh in isaga oo ah oo guddooyiha gobolka Banaadir uu Dowladda lee yahay ammaanka Muqdisho wax ka qabato.

Gudoomiyaha oo booskiisa uu shaki ku jiro in rag kale loo soo magacaabo ayaa tibaaxay in Gobolka Banaadir heerar kala duwan  uu soo maray hada amni buuxa dadka ay ku haystaan.

Waxaa uu Gudoomiya ka codsaday Baarlamanka Soomaaliya inay Ansixiyaan Golaha Wasiirada ee Tobonka  ka kooban ee uu wato Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax iyagoo aan u fiirinaynin qabiil.

Tarsan ayaa ku nuux nuuxsaday in laga gudbay Qabiil oo shaqsiga Hormar keenayo uu ku fariisanayo Xafiiskaas.