Arsenal oo dooneysa weeraryahan Charlie Austin xilli ay u aragto bedelkii Van Persie.

Arsenal ayaa ku biirtay liiska kooxaha diiradu u saaran tahay Charlie Austin oo u ciyaara kooxda Burnley. Sida uu qoray Wargeyska Daily Mail.

Weeraryahankaan 20ka gool dhaliyey ayaa waxaa soo kordhaayey wakiilada daawanaya ee ka socda Premier League iyadoo shan kulan goob joog ay ahaayeen waxayna la dheceen qaab ciyaareedkiisa kor u socda.

Newcastle ayaa waqti dheer lala xiriirinaayey halka Liverpool, Everton, Reading iyo Aston Villa ay sidoo kale u qaateen inuu yahay mid ka mid ah gool dhaliyeyaasha ugu sareeya Yurub.

23 jirkaan ayaa waxaa u imaanayey dalabyo badan Burnley ayaana riski geli karta dalabyadaas u imaanaya ciyaaryahanka ay sanadii hore kula soo wareegeen 1.5 milyan oo ginni.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Somalia.