Wafdi ka socday Sweden oo la kulmay Maamulka Gobolka Banaadir.

Wafdi kasocday dowlada Sweden ayaa maanta waxaa ay soo gaareen magaalada Muqdisho kuwaa oo kulumo la qaatay Masuuliyiinta gobolka Banaadir.

Kadib markii ay Muqdisho ay soo gaareen Wafdigan oo ahaa Baarlamanka  Sweden ayaa waxaa ay kula shireen Aqalka Maamulka Gobolka  masuuliyiinta Maamulkaas.

Masuuliyiinta Dowlada Sweden ay u soo dirtay Muqdisho ayaa waxaa hogaaminaysay Xildhibaanad Kariina oo kulanka kadib saxaafada la hadashay ayaa sheegtay u jeedkooda uu yahay sida maamulka Gobolka Banaadir ay ugu saacidi lahaayeen Soo celin bilicda Muqdisho.

Waxaa ay sheegtay  in Wadooyinka Bur bursan ee Muqdisho ay dhisi doonaan ayna farax gelinayso Imaanshaha Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Gobolka Banaadir Maxamad Yuusuf Cismaan oo lahadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Caalamka uu diyaar ula yahay Sidii uu garab istaagi lahaa Maamulka Gobolka Banaadir.