Ballack oo laga ganaaxay kexeynta gaariga ka dib markii uu ku waday xawaare 131mph ah.

Michael Ballack ayaa laga ganaaxay kaxeynta gaariyaasha muddo 18 bilood ah waxaana la dul dhigay inuu bixiyo 5,400 oo ginni ka dib markii uu gaarigiisa ku kexeeyey xawaare ah 131mph wado ku taala dalka Spain bishii October.

Ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe uga ciyaari jiray Chelsea iyo Germany oo 36 jir ah ayaa ka fariistay kubada cagta laba isbuuc ka hor inta uusan shilka gelin, wuxuuna kaxeynaayey gaari nuuciisu yahay Audi Q7 iyadoo uu xawaarihii loogu talo galay laba jiraaray kaasoo ahaa 75mph, sida laga xaqiijiyey maxkamada ku taala Caceres Shalay.

Ballack, ayaa sidoo kale lagu amray inuu bixiyo lagacta ganaaxa, waxaana loo qabtay inuu shan maalin racfaan uga qaato ganaaxaan.

Ballack ayaana la sheegay inuu ka leexday isagoo lagu heystay inuu ka baxay xawaarihii loogu talo galay.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Somalia.