AC Milan oo dhibaatadu kusii badaneyso ka dib dhaawac soo gaaray Ignazio Abate.

AC Milan ayaa xaqiijisay in Ignazio Abate uu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan muddo laba isbuuc ah ka dib dhaawac cajirka ah, oo uu ku seegayo ciyaaraha ay Milan wajaheyso Fiorentina iyo Napoli.

Daafaca midig ayaa bedel lagu sameeyey daqiiqadii lixaad ee kulankii Milan ay 1-1la dhaafi weysay Malaga ciyaar ka tirsaneyd Champions League, waxayna Website-kooda ku xaqiijiyeen inuu garoomada seegi doono laba isbuuc ka dib dhaawacan.

Tijaabooyin badan ayaa la marsiiyey dhaawac, waxaana loo ohol waayey in la xaliyo inuusan garoomada ka maqnaan ugu yaraan 15 maalmood, waxaana laga yabaa inuu GYM-ka tababar ku sameeyo marka ay kooxdiisu Axada isku diyaarineyso inay wajahdo Fiorentina.

Daafaca heerka caalami ee dalka Italy ayaa ka mid ahaa kooxda uu tababare Massimiliano Allegri u doortay inay garoonka kusoo bilowdaan laakiin daqiiqadihii furitaanka ayaa lagu bedelay Mattia De Sciglio.

Kooxda San Siro ayaa booska Tobnaad ka fadhisa Serie A ka dib markii ay ku bilaabatay si aan looga baran waxaana hada dhaawac kasoo gaaray daafacooda garabka midig.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Somalia.