Wafdigii Kismaayo inay galaan loo diiday oo la ogaaday in la dili rabay.

Wafdigii dhawaan laga celiyay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose ayaa waxa ay sheegeen inay ka bad baadiyay Qorshe dil oo loo qaban qaabiyay.

Salaad Cilmi Axmad oo kamid ahaa Masuuliyiinta booqday Kismaayo balse laga hor istaagay Garoonka Diyaaradaha oo warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa qeexay in la dili rabay.

Masuulkan ayaa sheegaya inay heleen Sir ah in hadii kismaayo ay gudaha u gali lahaayeen in loo dhigay Fariisimo badan oo Ciidamo Raaskambooni ah si ay u risaas ugu furaan wafdiga.

Dilka fashilmay ayuu sheegay inuu soo abaabulay hogaamiyaha Raaslkambooni Axmad Madoobe oo uu  sheegay inuu yahay Xag jir.

Salaad cilmi Axmad ayaa hadalkiisa waxaa uu intaa ku daray inay ceebtahay in Axmad Madoobe uu laalo go’aanka Madaxwaynaha Soomaaliya.