Luis Nani oo dhaawac darti Toban maalmood garoomada uga maqnaan doona.

Manchester United ayaa weyn doonta 10 maalmood xidiga garabka uga ciyaara Luis Nani ka dib markii dhaawac uu kasoo gaaray feysha [Seeda Lugta].

Xidiga dalka Portugal ayaa dhibaato asiibtay intii ay socotay ciyaartii Arbacada Champions League ay ku wajaheen Braga waxayna taasi la micno tahay inuu seego kulanka Sabtida ee Aston Villa.

“Nani wuxuu ku maqnaan doonaa dhaawac ka asiibay feysha. Waxay qaadan doontaa ilaa 10 maalmood,” ayuu yiri Sir Alex Ferguson.

Daafaca dhexe Jonny Evans ayaa u halgamaya inuu kooxda kala qeyb qaato kulanka Aston Villa ka dib dhaawac uu ka qabay Gumaarka, taasoo loo macneysan karo kulankii labaad ee afar maalin gudahood uu ciyaaro Chris Smalling.

“Jonny shaki ayaa ku jira,” ayuu yiri Ferguson.

“Ma ahan dhaawac halis ah. Waan baareynaa rajo weyn ayaan ka qabaa inuu fiicnaan doono.”

United ayaa waxaa horay dhaawac uga qabay kabtankooda Vidic kaasoo qaliin la marsiiyey.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Somalia.