Ciidamada Ahlu Sunna oo weerar ku dilay askar ka tirsan GORGOR, qabsadayna gaari

Dhuusamareeb (Caasimada Onlie) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay weerar ay soo qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa weerarkaan ku dilay laba Askari oo ka tirsan ciidamada Gorgor oo ay horey halkaas u geysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in ragga hubeysan ay ka tirsan yihiin xoogaga Ahlu-Sunna, islamarkaana weerarka kadib ay horay usii qaateen Gaari Cabdi Bille ah oo ay la aadeen dhinaca deegaanka Bohol.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga Galmudug, Gaariga Cabdi Billaha ah ayaa markii hore laga soo qaatay xoogaga Ahlu Sunna balse dib ayey ula wareegeen, iyaga oo dilay qaar kamid ah askartii wadatay gaariga.

Afhayeenka maamulka Caasimadda Dhuusamareeb Bashiir Maxamed Salaad Sanka ayaa sheegay in dilka askarta qaranka ee ka dhacay Dhuusamareeb uu yahay mid argagixiso oo lagu yaqaanay kooxda Al-Shabaab.

”Ciidanka amniga Dhuusamareeb oo ka jawaabaya falkaan foosha xun ayaa ku howlan soo qabashada kooxdan arxanka daran, cid walba oo qeyb ka ah ama wax ka fududaysayna sharciga ayaa la horkeeni insha’allah. Qiil dambe maharin iyo diintoo lagu qaraabtaaye,” ayuu ku yiri qoraal uu baahiyey afhayeenka.

Laamaha amniga magaalada Dhuusamareeb ayaan weli faah-faahin ka bixin falka dilka askarta maalinta cad loogu geystay magaalada Dhuusamareeb oo ah caasimadda Galmudug.

Ciidamada Ahlu-Sunna oo dagaal looga soo saaray magaalada Guriceel ayaa saldhig weyn ka sameystay gudaha deegaanka Bohol oo aan sidaas uga fogeyn Dhuusamareeb.