Xog: Khilaaf ka dhex qarxay Guudlaawe iyo Dabageed – Maxaa la isku haya?

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee caasimadda Hiiraan ayaa sheegaya inuu khilaaf xoog leh soo kala dhex galay madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).

Khilaafka labada mas’uul ayaa salka ku haya go’aankii uu madaxweynaha HirShabelle ku gaaray in kuraasta ku harsan Beledweyne oo gaaraya illaa 11 kursi laga dhigo kuwa furan oo aan loo xirin shaqsiyaad gaar ah.

Madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle Yuusuf Dabageed ayaa ka horyimid go’aanka Guudlaawe, waxayna xogta hoose sheegeysaa in Dabageed ay gadaal kasoo riixeyso Villa Somalia oo dooneysa in 11-ka kursi ee dhiman loo xiro shaqsiyaad ay iyada wadato.

Sida ay illo wareedyo lagu kalsoonan karo u xaqiijiyeen Caasimada Online, khilaafka ayaa durba saameeyay guddiga doorashada HirShabelle oo la kala saftay madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.

Madaxweynaha HirShabelle oo dhawaan Beledweyne kula kulmay qaar kamid ah musharixiinta u taagan kuraasta dhiman ayaa u ballan qaaday inaysan jiri doonin kuraas la xirayo.

Go’aanka Guudlaawe ayaa yimid kadib markii kacdoon looga soo horjeedo in kuraasta loo xiro shaqsiyaad uu ka qarxay magaalada Beledweyne kaasoo keenay inay ciidamo badan gudaha usoo galaan magaalada.

Guudlaawe oo muddo ay ku qaadatay inuu tago Beledweyne islamarkaana ay aqbalaan dadka kasoo jeeda Beesha Xawaadle, ayaa iska ilaalinaya in mar kale uu abuuro xiisad keeni karta in deegaanka laga naco.

Lama oga saameynta ay ku yeelan karto khilaafkan cusub doorashada kuraasta harsan ee Beledweyne, iyadoo 8 cisho ay ka harsan tahay mudada 15 maalin ee loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada.