Ciidamada Axmed Madoobe oo dagaal ka beeleed ka billaabay Gedo iyo qax ka socda..

Beledweyne (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu maanta ka dhacay degmadaasi, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada maamulka Jubbaland iyo ciidamo qaab maleeshiyaad ahaan ah u agaasiman kuwaasi oo weerar ku qaaday degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada dagaalamay ay kala taabacsan yihiin masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo ku sugan degmada Baledxaawo, waxaana dagaalka uu ka dhacay bartamaha magaalada.

Ku dhawaad seddex ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen dagaalka maanta dhacay, waxaana jiro dad kale oo dhaawac ay kasoo gaartay rasaas wiifto ah.

Xaalada degmada Beledxaawo ayaa haatan u muuqta mid yara dagan, waxaana muddo kooban maanta hakad galay dhaqdhaqaaqyadii dadweynaha ee magaalada Beledxaawo.

Ciidamada ka wada tirsan maamulka Jubbaland ayaa waxaa maalmahaanba xiisadooda ay ka taagneyd degmada iyo deegaanada ku hareereysan, waxaana ilaa iyo hadda si dhab ah loo ogeyn sababta dagaalka ka dambeysay.

Caasimada Online
Xafiiska Gedo
Caasimada@live.com