Fargeeti oo wax laga weydiiyey lacagta bankiga lagala baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo ku saabsan dhaqaalihii laga xaday Bankiga Dhexe ee Somalia, kaasi oo faraha la galay ilaa Wasaarada Maaliyada Xukuumada Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in lacagtaani la xaday wax laga weydiiyay Wasiirka Maaliyadda Somalia Maxamed Aadan Ibraahim Ferkeeti, balse Fargeeti uu iska fogeeyay tuhunkaasi.

Wasiir Fargeeti ayaa sheegay inay jiraan miisaaniyad intaa ka badan oo ka maqnaankarta Bankiga Dhexe waxa uuna xaqiijiyay inay jiraan baaritaano kala duwan, balse tuhunkaasi uusan wax lug ah ku laheyn.

Guddiga baaritaan lacagta la xaday oo si hordhac ah ula kulmay Fargeeti, ayaa sheegay in dhaqaalaha laga xaday Bankiga ay ka badan tahay dhaqaalaha kale ee lagu baxshay qaababka deenta, waxa ayna meesha ka saaren in dhaqaalaha uu yahay mid yar.

Fargeeti ayaa Guddiga u sheegay in Wasaaradu ay isku dayday inay xakameyso dhaqaalaha ku jira Bankiga si aysan u dhicin xatooyo, hayeeshee aysan taasi dhicin sababo la xiriira faragalin lagu hayo dhaqaalaha.

Fargeeti ayaa iska fogeeyay Tuhunka waxa uuna sheegay in Guddiyada baaritaanka ay fasax u qabaan inay baaraan dhammaan mas’uuliyiinta Wasaarada waa haddii uu jiro shaki laga qabo inay ku lug yeeshaan dhaqaalaha la xaday.

Baaritaano lixaad leh ayaa ku socta mas’uuliyiinta ugu sareysa Wasaarada Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe, waxaana jira tuhun ku aadan inay wax ka ogaayen dhaqaalaha la xaday.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka madaxda ugu sareysa dalka oo ku aadan dhaqaalaha laga xaday Bankiga Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com