Xog ka cusub xiisada ka dhex oogan Puntland iyo Galmudug

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa wali taagan xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Puntland iyo Galmudug, waxaana xiisada ugu daran ay ka jirtaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, maadaama duleedka magaalada ay maleeshiyaad ku dagaalameen.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya iney socdaan dadaalo la doonayo in xiisada lagu dhameeyo oo ay wadaan odayaal kasoo kala jeeda labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland.

Wadahadalada dhanka nabada ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo ay ka bilowdaan magaalada gaalkacyo ee gobolka Mudug, kuwaasi oo la doonayo in lagu dhameeyo xiisada ka taagan xaafada dhanka xuduuda ah oo ay wadaagaan labada maamul.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee wadada dadaalada nabadeed ayaa sheegay iney rajeynayaan in labada dhinac ku qanciyaan sidii xiisada loo joojin lahaa, maadaama xiisada ay saameyn ku yeelaneyso dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Saacadihii lasoo dhaafay labada dhinac ayaa ciidamo dheeraad a h geeyay magaalada Gaalkacyo waxaana ugu daran ciidamo qaar qabiileed isku agaasimay kana soo jeeda deegaanada Puntland oo tagay xaafada xiisada ka taagan tahay.

Waxaa dhinaca kale taagan xiisad ka dhalatay gaadiid dagaal oo Galmudug la sheegay iney kaga soo dageen dekada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, gaadiidkaasi oo Puntland ay gacanta ku dhigtay islamarkaan ay diiday in dhanka Galmudug loo wareejiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com