“Lacagta hadda la xaday ka badan ayaaba maqnaan karta”

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay sababaha keenay in baarlamaanka looga yeero gudoomiyaha bangiga dhexe ee dalka Soomaaliya, kadib markii Khamiistii uu shaaciyay in dhaqaalo badan Bangiga lagala baxay.

Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay in dhaqaalo badan laga baxay Bangiga mar haddii cadadka iminka maqan lasoo bandhigay.

Wuxuu sheegay iney jiraan walaac badan oo ay muujinayaan taasi oo ah in dhaqaalo kale laga waayo Bangiga, taasi oo doorasho lagu gali karo, sida uu hadalka ud higay xildhibaanka.

Wuxuu sheegay in dhowaan Gudoomiyaha Bankiga Dhexe uu hor imaan doono Xildhibaanada Baarlamaanka si loola yeesho la xisaabtan dhab ah.

Siyaasiyiinta qaar ayaa horey u soo jeediyay in Dowladda Soomaaliya ay waajib ku tahay in ay xil ka qaadis ku sameyso Gudoomiyaha Bankiga Dhexe iyo dadka ka hoos shaqeeya.

Dhowaan ayay aheyd markii Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali uu shaaciyay in Bankiga Dhexe ay ka maqan tahay lacag dhan $ 530,000, taasina uu ku eedeeyay in uu la baxay Qasnajiga Bankiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com