CADDEYN: Faarax C/Qaadir iyo Fahad Yaasiin oo isku dhagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad siyaasadeed oo u dhaxeyso xildhibaan Faarax C/Qaadir iyo Fahad Yaasiin Xaaji ayaa laga dareemay muddooyinkii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana labada ruux oo isku beel ah ay isku heystaan kursiga xildhibaanimo ee sanadkaan.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in kulan gaar ah oo ay yeesheen xubno kamid ah madaxda madasha wadatashiga Qaran ayaa loo hadlay sidii arintan xal loogu heli lahaa, maadaama labada masuul oo kasoo jeeda beesha Reer Aw-Xasan ay isku heystaan xilkaasi.

Xasan Sheikh Maxamuud, Jawaari, Axmed Madoobe, & ra’iisul wasaaraha dalka ayaa kulan ka yeeshay sida wararka aan ku heleyno, taasi oo ku aadan sidii xal loogu heli lahaa qilaafka dhanka kursiga ee hareeray labada ruux ee kasoo jeeda Beesha Reer Aw Xasan.

Warqad qoraal ah oo uu ku saxiixnaa afhayeenka barlamaanka Soomaaliya oo aan helnay ayaa waxaa lagu muujiyay in madaxda madasha qaarkood ay isku raaceen in la abuuro oday dhaqameed cusub oo beeshaasi matalaya, kaasi oo lagu darayo liiska 135 oday ee xildhibanada keenaya.

Faarax Sheikh C/Qaadir oo Saaxiib dhow yihiin Xasan Sheikh Maxamuud ayaa isku dayay marar badan sidii uu xilka xildhibaanada baarlamaanka kusii ceshan lahaa, laakiin waxaa ku dhagan Fahad Yaasiin oo kaga xoog batay dhanka odayaasha beesha Reer Aw Xasan.

Hoos ka akhriso Cadeynta kasoo baxday xafiiska Jawaari.

qoral-oday

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com