Shaqaalaha Aadan Cadde oo shaqo joojin ku dhaqaaqay

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya dhanka Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow ay shaqo joojin sameeyen dhammaan Howlwadeenada Garoonka.

Shaqo joojinta Howlwadeenada Garoonka ayaa la sheegay inay la xiriirto mushaar la’aan kasoo foodsaartay dhanka maamulka Garoonka oo aan iyagu bixin xuquuqdii ay lahaayen shaqaalaha.

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa Gacanta ku haya Shirkad laga leeyahay Dalka Turkiga oo la yiraado Favori, waxa ayna maamulka shirkadaasi diiden inay bixiyaan Mushaarka shaqaalaha.

Warbixin ay daabacday idaacada KNN ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu sheegay in xiligaani aysan shaqo ka socon Garoonka Aadan Cadde, sababo la xiriira maamulka shirkada Favori oo mushaarka shaqaalaha leexsaday.

Shaqaalaha Garoonka ayaa iminka lasoo sheegayaa inay hordhooban yihiin Afafka hore ee Garoonka waxa ayna diidan yihiin inay wadaan shaqooyinkooda inta laga xalinaayo mushaaraadkooda.

Dhinaca kale, maamulka shirkada Favori, ayaa diidan inay la hadlaan shaqaalaha hordhooban banaanka sare ee Garoonka si ay usii wataan howshooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com