Gudoomiyaha Bankiga Dhexe oo ay xaaladu ku xuntahay

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somalia, Bashiir Ciise Cali looga yeeray xarunta Baarlamaanka Somalia si wax looga weydiiyo dhaqaalihii laga xaday Bankiga.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somalia, Bashiir Ciise Cali, ayaa laga xaqiijin doonaa halka ay gaarsiisan tahay lacagta laga xaday Bankiga, waxaana soo baxaaya warar sheegaya in dhaqaalaha la xaday uu ahaa mid ka badan tan uu soo bandhigay Guddoomiyaha ee cadadkeeda lagu sheegay $ 530,000.

Maxamed Nuuraani Bakar oo ka mid ah Xildhibaanada BFS, ayaa cadeeyay in Guddoomiyaha uu hor imaandoono Xildhibaanada, waxa uuna sheegay in wax laga weydiin doono dhaqaalaha la xaday.

Xildhibaanka waxa uu sheegay inaan la cafin doonin Guddoomiyaha iyo inta ku shaqada laheyd dhaca loo geystay dhaqaalihii ku jiray Bankiga.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somalia, Bashiir Ciise Cali, ayaa waxaa sidoo kale lagu tuhunsan yahay in qudhiisa uu dhaqaalihii haray kala baxay Bankiga dhexe si dusha looga wada saaro Sargaalkii xaday inta badan lacagta maqan.

Siyaasiyiin ka tirsan Axsaabta dalka ayaa horay usoo jeediyay in Gudoomiyaha Bankiga Dhexe Bashiir Ciise Cali xil ka qaadis lagu sameeyo, isla markaana xabsi la dhigo.

Dhinaca kale, la xisaabtanka Gudoomiyaha Bankiga Dhexe Bashiir Ciise Cali, ayaa waxa uu sidoo kale saameyn doonaa Mas’uuliyiin dhowr ah oo iyaguna ka tirsan waaxaha lacag bixinta Bankiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com