Maxaa ka jira in Is-miidaamiyihii ka bad-baaday weerarkii Banadir Beach uu qamri cabsanaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar si weyn u faafay ayaa lagu sheegay in ninkii is-miidaamiyaha ahaa ee ka badbaaday qaraxii Banadir Beach Restaurant laga dareemay inuu saqraansanaa.

Wararkaas ayaa lagu sheegay in ninkaasi ay ka soo baxeysay urka Khamrada oo dadkii isbitaalka geeyay ay dareemeen iyo saraakiishii nabadsugidda Soomaalida.

Asalka warkan ayaa laga soo xigtay weriye Kenyaan ah oo wax ku qora web aan la aqoon oo Kenya fadhigiisu yahay, waxaana uu soo xigtay weriye u jooga Soomaaliya oo aan la aqoon, waxayna arrintan noqotay mid si weyn loo faafiyay.

Hay’addaha ammaanka ayaan ilaa iyo hadda wax faahfaahin ah ka bixin shaqsiyadda ninkan, magaciisa iyo xaaladda uu ku sugnaa markii la qabtay.

Weriyeyaal sawir qaadeyaal ah oo fara badan ayaa loo ogolaaday inay sawirro ka qaadaan ninkan, waxayna sheegeen inaysan arkin ama aysan dareemin arrimahan.

Waxaa la sugayaa faahfaahinta Hay’adaha ammaanka ka bixiyaan arrintan fakatay oo inkastoo aanay ahayn wax lala yaabo haddana u baahan xaqiiqo ka badan war Kenyaan uu soo alifay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com