Xog: Musharaxiin billaabay olole ku cusub siyaasada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraaya ololaha ay musharaxiinta u tartameysa doorashada la filaayo in dabayaaqada sanadkaani ka dhacdo Somalia, kuwaasi oo si saa’id ah looga dhex wado beejyada ay Musharaxiinta ku leeyihiin baraha bulshada ay ku sheekeystaan.

Ololahaani cusub ee ka dhexsocda Facebuuga ayaa waxaa laga dheehankaraa inay isugu jiraan kuwo lagu kasbanaayo Siyaasiyiinta la filaayo in qaarkood ay kamid noqon doonaan labada aqal ee Baarlamaanka Somalia iyo dadka shacabka ah ee isticmaala aallada Facebuuga.

Dadka shacabka ah qudhooda ayaa mid waliba caleemo qoyan u lulaaya Musharaxiin gaar ah oo ay kala taageersan yihiin kuwaasi oo u badan kuwo ku cusub siyaasada Somalia, halka musharaxiinta qaarna ay yihiin kuwo horay isku soo sharaxay.

Musharaxiinta bilaabay ololaha cusub ayaa iyagu sameystay astaan lagu kala aqoonsan karo, halka qaarna ay ka sameysteen erayo nuxur leh oo hal ku dhig u noqonkaro waxqabadka ay la imaan-doonaan waa haddii ay ku guuleystaan doorashada adag ee soo socta.

Musharaxiinta qaar ee gooni u goosat-ka ah ayaa iyaguna aan laheyn wax calaamad iyo hal ku dhig toona aheyn, balse waxa ay dadka u soo bandhigayaan inay yihiin Musharaxiin mudan in la doorto, si ay wax uga bedelaan xaalada uu dalka ku jiro.

Marka dhinacyo badan laga eego ololaha cusub oo ay wadaan Musharaxiinta ayaa u muuqanaaya kuwo jahwareer galshay dadka shacabka qaarkood ee inta badan isticmaala Aallada Facebook, waxa ayna ku hadaaqayaan in Facebuug aan looga baahneyn ololo doorasho, maadaama dadka wax dooranaaya ay yihiin Xildhibaanada.

Waxaa jiro boqolaal shacab ah oo aragtiyo kala duwan ka bixiya ololaha ka dhex socda Faceboog kuwaasi oo qaarkood dhaliilo aad u adag u jeediya Musharaxiinta waxa ayna halkaasi kusoo bandhigayaan hadalo aflagaado iyo kuwo niyad jabinaaya Musharaxiinta.

Dhaliish ugu badan ee loo jeediyo Musharaxiinta ayaa ah inay isku soo sharaxayaan keliya maslaxadooda si ay uga faa’iideystaan kheyraadka iyo Hantida ku guudan dhulka Somalia oo aan cidna iska xilsaarin.

Musharax waliba inta uu yahay musharaxa waxa uu adeegsadaa erayo aad u wanaagsan, balse waxa uu xumaadaa markii uu helo natiijada doorashada kasoo baxda ee muujinkarta in Musharaxaasi uu ku guuleeysto doorashada waxa uuna markaasi bilaabaa ka shaqeynta dantiisa isaga oo xadgudubyo ka gala dalka.

Si kastaba ha ahaatee, ololaha cusub ee ka dhexsocda aallada Facebuug ayaan inta badan ku qancin dadka jecel samaha ee doonaaya in dalka uu hagaago.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com