SOMALILAND oo ka jawaabtay dacwad uu Hadliye ka gudbiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo shacabaka Caasimada Online saacadihii lasoo dhaafay ay qortay Dacwad uu Wasiirka arrimaha Dibadda Somalia C/salaan Hadliye u gudbiyay dhigiisa dalka Turkiga taasi oo salka ku heysay dal ku gal lagu dhuftay Baasabooro ay leedahay Somaliland ayaa waxaa arrintaasi xiisada dhalisay ka hadlay Maamulka Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda mamaulka Somaliland Axmed-kayse Aadan Ismaaciil oo u waramaayay Saxafi ka HCTV, ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in mar waliba ay dowlada Somalia kadaba qaadato Somaliland.

Axmed-kayse waxa uu sheegay in dacwadii ay dowlada Somalia ka gudbisay qunsulka Turkiga u fadhiya magaalada Hargeysa ay muujineyso cadaawad hor leh oo ay dowlada Somalia ku heyso Somaliland.

Nuqul kamid ah haddalka Wasiir Keyse ayaa ahaa ”Wasaaradaas arrimaha dibadda Somalia dacwadaas ay qunsulka Turkiga ka qortay ee daba soctay hadalkii ahaa basaboorka Somaliland ayaanu Visa ku bixinaa waa nasiib darrooyinka ay dawladda Xasan Sheekh ku kacdo”

”Dacwadaasi laga gudbiyay Somaliland iyo Qunsulka waxaan u aragnaa mid lagu go’doominaayo siyaasada Somaliland, waxa ayna kamid tahay xeeladaha ay Somalia ku dooneyso in Somaliland aysan la macaamilin adduunka”

Sidoo kale, mar uu Wasiir Axmed-kayse wareysi siinaayay mid kamid ah Weriyayaasha ka howlgala Star TV, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay la daaladhaceyso xag-xagashada Somaliland waxa uuna talaabadaasi ku sheegay mid u muujineysa waxa uu ku yiri xaasidnimada ay Somalia u qabto Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Nuqul kamid ah haddalka Axmed-kayse ayaa ahaa ”Somalia waxa ay la waalatay xaasidnimo halkii ay ku mashquuli lahaayen dowladnimada waxa ay keeneen xaasidnimo ka dhan ah Somaliland, waxaan oran lahaa sameysta dowlad shaqeysa si aad wax uga sheegtaan Somaliland”

”Somalia waxa ay ka dhamaan la’ dahay lama caawin karo Somaliland, basaboorkooda laguma tagi karo laakiin baasaaboorka Somaliland dalal badan ayaa lagu tagaa, laguna tagi jiray”

Haddalka Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda mamaulka Somaliland Axmed-kayse Aadan Ismaaciil, ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay xasarad siyaasadeed ka dhalatay fiiso dal ku gal ah oo la sheegay in dowlada Turkiga ay ku dhufatay Baasabooro ay si gaar ah u isticmaasho Somaliland, taasi oo qalqal siyaasadeed galisay midnimada Somaliweyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com