Beesha WACAYSLE oo beenisay QORAAL looga bene abuurtay..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Dhaqanka Beesha Wacaysle, Sultaan Maxamed Cabdi Shido iyo Xubnaha Guddigaasi ayaa si kulul u beeniyey Qoraal looga been abuurtay Hoggaanka Dhaqanka ee Beesshaasi, taasi oo lagu faafiyey qaar ka mid ah Shabakadaha Wararka iyo Warbaahinada kale ee ay Bulshadda ku wada xiriirto.

Mas’uuliyiintaasi oo Shir Jaraa’id ku qabtay Hotelka Guest House ee magaalladda Muqdisho ayey ku soo bandhigeen Nuqul ka mid ah Qoraalka looga been abuurtay Saxiixa Guddoomiyaha iyo Timbaraha Guddiga Dhaqanka ee Beesha Wacaysle.

Guddoomiyaha Guddigaaasi, Sultan Maxamed Cabdi Shido oo xubin ka ahaa 135-ka Duubabka Dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay Xildhibaanadda Barlamaanka Dowladda Federalka, waxa uu raalli-gelin buuxda ka bixiyey Been Abuurkaasi oo uu xusay in lagu doonayo in Walaahow laga dhex abuuray Masiirka dadka ku abtisada Beesha Wacaysle.

“Iyadoo aysan dani iyo Saadaalin ahayn, Waan garanaynaa dadka ka dambeeya Qoraalkaas Been Abuurka, waxaana saacadda ku haboon la tiigsan doonaa Sharciga” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Dhaqanka ee Beesha Wacaysle, wuxuuna Raalli-gelin iyo Xaal-marin u jeediyey dadkii loogu gefay Qoraalkaasi looga been abuurtay Magaca Guddiga Dhaqanka ee Beesha Wacaysle.

Wuxuuna intaasi ku daray inaan la gacan bidixeyn Karin Masiirka wax ka dhexeeya Ummadda,wuxuuna ku wargeliyey Bah-weynta Wacaysle ee joogta Gudaha dalka iyo Dibediisa inayan ilaa iyo hataan Beelaha Soomaalida, gaar ahaan Beesha Mudulood weli soo xulin Saamiga ay Beel kasta ku leedahay Xildhibaanadda Barlamaanka cusub ee Bisha soo socota la soo dooran doono.

“Waan idiin keeni doonaan Wax qeybsiga saamiga Beesha Wacaysle leedahay, idinkaana ka tashan doona, oo wax ku soo xulan doona Dhalasho ahaan, Dhaqan ahaan, Mudnaan ahaan iyo Miisaan ahaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Dhaqanka Beesha Wacaysle, Sultaan Maxamed Cabdi Shide oo carrabka ku adkeeyey inay Beesha wada arki doonaan qaabka lagu soo xulayo saamiga u gaarka ah Beesha Wacaysle.

Afhayeenk Guddiga Dhaqanka Beesha Wacaysle, Nabadoon C/llahi Cali Xasan “Fara-weyne” oo sidoo kale ka hadlay Shirka Jaraa’id waxa uu soo bandhigay Nuqulka Qoraalka Been Abuurka ee lagu faafhiyey qaar ka mid ah Shabakadaha iyo Warbaahinadda kale ee Bulshadda “Social Media”.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay in Qoraalkaasi oo ku taariikhadeysnaa bishan August 20-dii shalay lagu faafiyey Websaytyadda iyo Warbaahinta Facebook ee ay Bulshada ku wada xiriirto, wuxuuna xusay in  Qoraalkaasi ka muuqdo Saxiixa Guddoomiyaha Guddiga Dhaqanka Beesha Wacaysle iyo Shaabada Guddigaasi oo la soo dhoodhoobay,

Afhayeenka waxa uu qeexay inuusan Qoraalkaasi ka soo bixin Guddiga Dhaqanka Beesha Wacaysle, isla markaana Qoraalkaasi looguna talagalay in  Xilligan Kala Guurka lagu abuuro jahwareer dadka ku abtirsada Beesha Wacaysle.

Waxaa kaloo Shirka Jaraa’id ka hadlay Nabadoon Axmed Maxamuud Sabriye iyo

Cali Maxamuud Axmed “Faranko” waxayna ka digeen dadka faafinayo War xumo tashiilka oo been abuurka ah  kuwaasi oo ay ku tilmaameen Dad caddow ku ah Masiirka iyo Haybadda dadka ku abtirsada Beesha Wacaysle.

Dhinaca kale, Madasha ay Hoggaanka Guddiga Dhaqanka Beesha Wacaysle maanta ku qabteen Shirka Jaraa’id waxaa goobjoog ka ahaa: Nabadoon Cali C/llaahi Bood, Nabadoon Dhiblaawe Culusow Jimcaale, Nabadoon Cali Caddaawe Cali, Nabadoon Cumar Axmed Gacal, Ibraahim Xasan Tooxow, Nabadoon Cali Xasan Cali “Jeesto” iyo Nabadoon C/llaahi Xasan Rooble.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com