Faysal Cali Waraabe oo u gafay dowladda iyo shacabka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo u waramaayay Wargeyska Geeska Afrika ee kasoo baxa magaaalada Hargeysa ayaa sheegay in gaf Siyaasadeed ay tahay in dowlada Somalia ay warqado dacwad ah ka gudbiso Somaliland iyo Qunsulka dowlada Turkiga u fadhiya magaalada Hargeysa.

Faysal Cali waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in dacwadaasi aysan waxba u dhimikarin Somaliland iyo Qunsulka, balse waxa uu carab dhabay in dacwada noocaasi ah ay sii kala fogeyneyso Somalia iyo Somaliland.

Faysal waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dowlada Somalia ay dib isugu laabato isla markaana ay saxdo qaladaadkeeda waxa uuna meesha ka saaray in dowladu ay tahay mid shaqeysa misna ku filan howlaheeda.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa ”Dawlad jirta ayaa wax gudbisa ee kooxo tuugo meel iskugu tagtay oo magaca Somalia wax ku cunaysa waxna aan qabanaynin oo qabyaalad ku fadhiya oo is wada xaasidaya oo inagana cadawgeena ah oo aan horumarkeena iyo dedaalkeena jecleyn waxba uma aragno dacwadooda”

Faysal Cali oo haddalkiisa siiwata ayaa yiri ”Maalin walba waxa inoo muuqanaya xaasidnimada calool xumada iyo xaqdiga nimankaas Somalia ee isku sheegaya inay Dawlad yihiin, waxaan leeyahay Shacabka Somalia waa Shacab aanu halgankii wada galnay oo aanu wada ridnay dawladii Siyaad Barre, wanaag baa naga dhexeeya, ee waxaan leeyahay nimankaas sida khaldan xukunka u yimid Somaliland waa qaran, oo waa dawlad oo waa dal ee ha ku daalina, niyadana ka saara”

Faysal Cali waxa uu sheegay in dacwada ka dhanka ah ee laga gudbiyay Somaliland iyo Qunsulka Turkiga u fadhiya magaalada Hargeysa aysan waxba ka nusqaaminkarin dadaalka ay Somaliland ku raadineyso waxa uu ugu yeeray ictiraafka.

Sidoo kale, Faysal Cali waxa uu sheegay in Siyaasada ay mamnuuc ka tahay in lagu xadgudbo dhinac kale, balse ay furan tahay in dacwooyinka loo adeegsado qaabab diblumaasiyeed oo ka madax-banaan xaasidnimada.

Dhinaca kale, Faysal Cali ayaa sheegay in Somaliland aysan u hakan doonin dacwooyinka ceynkaasi ah waxa uuna ka digay in dowlada Somalia ay faragalin ku sameyso amuuraha Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com