Maxaa madaxweynaha cusub ee dalka lagu xulan karaa (10 Qodob)

Muqdisho (Caasimada Online):-Inkastoo hamiga Musharaxiinta u taagan doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia uu yahay mid fog, ayaa waxaa haddana jira sifaad loo baahan yahay in Musharax waliba uu yeesho.

Inta badan Musharaxiinta u taagan doorashada ayaa isugu jira kuwo horay dalka uga soo galay danbiyo Siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid lagu carqaladeynaayo amniga iyo xasiloonida dalka, balse waxaa dhammaantooda looga baahan yahay inay yeeshaan Sifaad lagu xulankaro isla markaana raali galinkara shacabka Soomaaliyeed oo ay u qaban doonaan tallada.

Sifaadka Musharaxa ayaa soo dadajinkara in guul uu kala kulmo dhanka shacabka iyo Siyaasada mugdiga hareereeyay ee Somalia waxa ayna sifaadkaasi kala yihiin:-

1-In Musharaxa uu yahay mid aan horay usoo galin fal danbiyeedyo ka dhan ah dalka.

2-Inuusan aheyn mid gacan ku dhiigle ah amaba horay u geystay dagaal lagu xasuuqay shacab Soomaaliyeed.

3-Inuu yahay mid ka madax-banaan Musuqa iyo waxa loogu yeero eexda.

4-Inuusan aheyn mid Sirta Somalia ka iibin jiray dowladaha kale amaba iminkaba gacanta kula jira iibsashada sirta halista ah ee Qaranka iyo guud ahaan Somalia.

5-Inuu yeeshaa Musharaxa awood uu ku xakameynkaro Siyaasada, Dhaqaalaha iyo amniga Somalia.

6-Inuu yahay mid sumcad ku dhex leh Bulshada isla markaana ka fog wixii ceeb ah ee horay uga dhacay dalka dhowrkii sanno ee tagay.

7-Inuu yeeshaa karti muujinkarta ad adeegiisa misna uu leeyahay astaan wax soo saar ka duwan kuwa hadda la jaanqaaday isbedelada ka socda Somalia.

8-Inuusan laheyn hanti uu horay uga tacbaday dowladihii hore ee uu musharaxaasi ula soo shaqeeyay sida dowladihii KMG ahaa.

9-In musharaxa doonaaya maamulida Somalia uu yeeshaa codkarti leh isla markaana uusan adeegsan erayo muujinkara taageerida reerkiisa amaba laga dhex dareemikaro cunsuriyad lixaad leh.

10-Inuu yahay mid aan ka tallo qaadan dhinacyada mucaaradka ee u nugul burburinta amaba xaalufinta Somalia.

Caalamka ayaa waxaa ka mamnuuc ah in xil Qaran uu isku soo taago shaqsi leh sifaadkaasi kor ku xusan waana tan sababta u ah in dowlad waliba ay ka hormarto dowlada kale ee jaarka la’ah.

Haddaba Sifaadkaasi ka kooban 10-ka qodob ayaa waxaa looga baahan yahay in laga helo Musharaxiinta u taagan doorashada Somalia si aysan Somalia ugu celin dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caaimada@live.com