Ilaalada Xildhibaan ka tirsan BFS oo Muqdisho ka geystay arrin….

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in ilaalada xildhibaan Dalxa ay dhaawaceen dad shacab ah oo ku sugnaa degmadaasi.

Ilaalada xildhibaanka ayaa la sheegay iney dhaawaceen dadka shacabka ah oo ku sugnaa agagaarka dekada magaalada Muqdisho, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysay.

Askarta ilaalada xildhibaanka u ah ayaa la sheegay in sidoo kale ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo agagaarka dekada marayay.

Ilaalada Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa la sheegay Rasaasta ay fureen in ay ku dhaawacmeen Dad shacab ah iyo ciidamo ka tirsan Dowladda oo halkaasi ku sugnaa, waxaana dhaawac uu soo gaaray tiro dad ah, inkastoo aan la xaqiijin karin tirada dhaawacyada.

Ciidanka Booliska ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Gaariga iyo ilaalada Xildhibaanka, waxaana ay sheegeen in ay su’aalo ka weydiin doonaan sababta ay arintan ku dhacday.

Mas’uuliyiinta Dowladda ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa in aysan u turin shacabka gaar ahaan xilliyada ay marayaan wadooyinka oo mararka qaar ay Rasaas ku furaan Dadka shacabka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com