Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in arin yaab leh ciidamada AMISOM ay ka geysteen xaafada Xamarjadiid.
Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in gaadiid saxaro waday ay ku daadiyeen xaafada xalay saqdii dhexe, sida dadka deegaanka ay sheegayaan.
Saxarada oo aan la ogeyn halka ay ciidamada AMISOM ka keeneen ayaa badashay hawada xaafada, maadaama meelo badan oo xaafada kamid ah ay ku daadiyeen.
Waa dhacdo cusub oo ciidamada ay geysteen, waxaana la sheegayaa in xalay saqdii dhexe la maqlayay hugunka gaadiidka ay adeegsadaan ciidamada AMISOM.
Dadka deegaanka ayaa saaka ku waaberiistay saxaro badan oo xaafada daadsan, waxayna bilaabeen inay iska guraan sida dadka deegaanka warbaahinta Muqdisho ay u sheegeen.
Lama oga sababta, waxaase la qiyaasayaa in gaadiidka AMISOM ee saxarada waday iney cilad ku timid sidaasina xaafada dhan ay wada saxaro u noqotay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]