XOG: Ciidamada Amisom oo faarujiyay fariisimo hor leh oo muhiim u ah DF iyo sababta oo lala…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Janaale ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay isaga baxeen Ciidamada Midowga africa ee AMISOM.

Ciidamada AMISOM ayaa halkaasi ku lahaa ilaa Seddex Saldhig oo ay kala socon jireen dhaqdhaqaaqyada gobolka Sh/hoose.

Askartaani ayaan la sheegin halka ay aadeen iyo duruufaha sababay inay isaga baxaan degmada Jannaale.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in maalmahanba ay ciidamada AMISOM ahaayen kuwo uruursanaayay agabkooda.

Sidoo kale, Ciidamada AMISOM ayaa horey uga baxay degaanada Bariire iyo Aw-dheegle oo u dhaxeeya Afgooye iyo Jannaale.

Gudoomiyaha gobolka Sh/hoose ee DF Somalia Cabdulqaadir Siidii oo ka hadlay bixitaanka Ciidamadaasi ayaa sheegay ineysan dowladdu la socon bixitaanka, waxa uuna walaac ka muujiyay sida uu noqon doono Amaanka goobahaasi ay ka baxeen.

Dhanka kale, Ciidamada Militeriga DF ayaa si kumeel gaar ah ula wareegay Saldhigyada ay faarujiyeen Ciidamada AMISOM, waxaana lagu wadaa in Saraakiisha Dowlada ay go’aan ka gaaran bixitaanka Ciidamada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com