Xog: Shariif Xasan oo Prof. Jawaari u sheegay in uusan marnaba gorgorton ka geli doonin arrinta..

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka Maamulka Koofur galbeed ee Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Shariif Xassan uu Gudoomiyaha Barlamanka Somalia Maxamed Sheekh Jawaari kala hadlay muranka dhinaca xuduuda ee u dhaxeysa Maamulkiisa iyo kan Gobolka Banaadir.

C/qaadir Nadaara oo ah Afhayeenka u hadla Maamulka Koofur galbeed, ayaa sheegay in Shariif Xassan uu Gudoomiyaha hordhigay go’aanka maamulkiisa iyo sida ay wax u doonayaan.

Waxa uu sheegay in marnaba aan gorgortan laga galeyn xuduuda Sh/hoose uu la wadaago Gobolka Banaadir.

Afhayeenka ayaa sheegay in Madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan oo maalmahaan booqasho ku joogay Magaalada Baraawe, uu dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo si uu go’aan kaga gaaro khilaafka dhulka ee Maamulkiisa kala dhexeeya kan Gobolka Banaadir.

Labada dhinac ayaa la filayaa inay go’aan kawada gaaran xadka, waxaana suuragal ah inay dhacdo muran intaan kasii badan, maadaama Jawaari uu ku jahwareeray muranka labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com