R/W CCC oo soo bandhigay qorshe cusub oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo DF Somalia ay wado qorshooyin ay maamulo ugu dhiseyso Gobolada dalka, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar cabdirashiid Cali Sharma’are.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadiisu ay dooneyso inay ka faa’iideysato wakhtiga horyaal, waxa uuna tilmaamay in mar dhow ay xukuumadiisa guda gali doonto dhismaha Maamulka Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Isaga oo ka hadlaayo qorshaha maamulkaasi lagu dhisaayo ayaa waxa uu yiri “Hada Maamulka Gobolada dhexe waan ku guuleysanay, intaan kadib waxa aan guda galeynaa Maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe oo qorshihiisa ay hada ka shaqeeneyso dowladda, waxaan Odayaasha iyo shacabka halkaasi ku nool ugu baaqeynaa inay soo dhaweeyan dhismaha maamulka cusub”

Cumar Cabdirashiid ayaa dhinaca kale Xildhibaanada BF Somalia ugu baaqay inay dhinacooda ka dardar galiyaan dhismaha ay Xukuumadu dooneyso in loo sameeyo Gobolada harsan.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiyiinta labada Gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa wada qorshe ay ku doonayaan in Magaalada Muqdisho ay ugu biiriyaan Maamulka loo dhisayo Goboladaasi, taasi oo ka horimaaneysa damaca Dowlada ee ah in Hiiraan iyo Sh/dhexe oo kaliya Maamul loo sameeyo.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaaraha dalka ayaa si diiran usoo dhaweeyay Shirka Maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud ee ka soconaya Cadaado, kaasi oo uu sheegay in uu rajeynayo in guul ku dhamaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com