Ciidamada AMISOM oo ka mid noqonaya ilaalada Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib wadahadal saacado qaatay ayaa madaxweynaha Soomaaliya Mr Farmaajo wuxuu ku aqbalay in ciidamada AMISOM ka mid noqdaan ilaaladiisa gaarka ah.

Ciidamada AMISOM ee ka howgala madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku biiraya ciidamada ilaalinaya madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Kulan dhex maray madaxweynaha cusub ee dalka iyo saraakiil ka socotay AMISOM ayaa waxaa loogu sheegay Farmaajo in waajibka (Mandate-ka) AMISOM ay qeyb ka tahay inay ilaaliyaan madaxda dalka Soomaaliya.

Ciidamo dhowr ah oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa u badnaan doona ciidamada madaxweynaha ilaalinaya, waxaana qeyb ka noqonaya ciidamada AMISOM.

Arinta waxay ka dambeysay kadib markii Farmaajo uu diiday habeenkii la doortay kadib in ciidamada AMISOM hareerahiisa ka agdhawaadaan, Waxaana ku ilaalinayay Hotel Jazeera ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com