Xildhibaanada Habargidir oo kulan deg deg ah ugu yeeray odayaasha + Qorshaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada matalo Beesha Habargidir ee ka tirsan Baarlamaanka Cusub Ee Soomaaliya ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray odayaashii ay ku lahaayeen  135-tii soo xushay baarlamaanka.

Kulankaan oo ay dalbadeen xildhibaanada ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socdo si rasmi ah uga furmo Hotel SYL oo u dhaw Madaxtooyada Soomaaliya

Wararka horudhac ah ee aan ka heleyno kulankaas ayaa sheegayo inay Habargidir si xad dhaaf ah u dooneyso in la siiyo xilka Ra’isulwasaaranimo sidaas darteed waxaa macquul ah in kulankaan uu ku saabsan yahay sidii Beesha ay go’aan mideysan uga qaadan laheyd shaqsiga ay u sharaxayaan xilkaas.

Waxaa jiro  siyaasyiin badan oo kasoo jeedo Beeshaan oo xilkaan hunguri uga jiro waxaana kamid ah Axmed Macalin Fiqi, Dr. Cabdinaasir, Dr. Culusow, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Yuusuf Garaad iyo kuwa kale.

Xildhibaanada ayaana hadda ku qulqulayo Hotelka sidoo kalana waxaa kasoo qeyb geli doono odayaasha ay Habargidir ku leedahay 135-ta Oday.

Wixii warar ah ee kasoo baxo kulankaan waan idiin soo gudbin doonaa Saacadaha soo Socdo Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.cm