XAMAR: AMISOM oo haween kufsaday

Muqisho (Caasimada Online) – Warbixin kasoo baxday Ururka u dooda Xuquuqda Aadamiga ee Human Rights Watch, ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM jooga Magaalada Muqdisho ay kufsi u geysteen Haween soomaaliyeed oo deeqo u raadsaday Xarumaha ay ka howlgalaan Ciidamadda AMISOM ee Magaalada Muqdisho.

Warbixinta oo ka koobneyd ilaa 71 waraaq, ayaa waxaa lagu cadeeyay in Ciidamada AMISOM ay kufsi awood ah u adeegsadaan Haweenka barakacayaasha ah ee gargaarka ka raadsada Xarumaha AMISOM ee laga bixiyo deeqaha gargaarka ah.

Sidoo kale, warbixinta Human Rights Watch, ayaa waxaa lagu sheegay in 21-kiis kufsi ah muddo kooban lagu helay Ciidamada AMISOM.

Dhanka kale, waxaa arrintaasi beeniyay Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Xaamud oo sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Human Rights Watch ay shaaciso warbixino aan loo baahneyn, waxa uuna Cadeeyay in loo baahnaa in lala soo socodsiiyo dhacdooyinka ka hor inta aan la daabicin.

Col Cali Xaamud, waxa uu gaashaanka ku dhuftay inay la xisaabtami doonaan Ururada qora warbixinada aan sal iyo baar ku laheyn xaqiiqda jirto, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com