WARAR ku soo kordhay sababihii xilka looga qaaday C/LLAAHI Sambaloolshe

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo Sababaha xilka looga qaaday Aggaasimaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia, C/llaahi Maxamed Cali sanbaloolshe, ayaa sheegaya inay tahay mid uu ku baalmaray sharciga Dalka, isagoona adeegsaday Awoodo aan lasiin.

Wararku waxa ay sheegayaan in C/llaahi Maxamed Cali sanbaloolshe xilkiisa ku waayay kadib markii uu ku tuntay Xuquuqda Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo magaciisa lagu sheegay Xildhibaan Shiiraar  , kaasi oo uu xiray Aggaasimaha kadibna uu ula dhaqmay wado aan wanaagsaney, iyadoona markii wax laga weydiiyay Arrintaasi uu uga jawaabay si aan habooneyn.

Sanbaloolshe ayaa waxaa la sheegayaa inuu Ciidamada ku amray inay Jeelka dhigaan Xildhibaan Shiiraar , waxaana la Tilmaamayaa in Xildhibaanka uusan geysan wax qaladaad ku ahaa Ammaanka ama Siyaasada Dalka, balse ay Colaado hoose kala dhaxeeyen, taasi oo la sheegay inuu uga faa’iideystay Sanbaloolshe Awoodaha Xilka Hay’adda.

Sidoo kale warar hoose ayaa sheegaya in C/lahi Sanbaloolshe lagu eedeeyay Amaro uu bixiyaya oo lagu xiray qaar kamid ah Idaacadaha Madaxabaan ee Muqdisho iyo Suxufiyiin  kuwaasi oo la aaminsan yahay inay taageero u muujin jireen Dowlada, hayeeshe ay sababsadeen Amarka C/llahi Sanbaloolshe.

Aggaasimaha xilkiisa waayay Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa waxa uu haayay xilkaasi muddo kooban oo aan wax Howl ah lagu qaban Karin, balse uu dayacay Kaalintii kaga aadaneyd Ammaanka  waxaana maalmaha uu xilkaasi haayay Magaalada ka dhacay Weerarao ay Ciidamada Nabadsugida ku qaadeen guryaha Siyaasiyiin ,Xildhibaano iyo xarumo warbaahineed.

Dhanka kale, waxaa la soo warinayaa in Howlgalada ka dhacay Magaalada uu si qaldan u adeegsaday, iyadoona uu garaafeeyay shaqsiyaad Colaado hore kala dhaxeeyay sida Cabdi-Nuure Siyaas ‘’Cabdi-Waal, waxa ayna arrimahaasi ay qeyb ka ahaayeen waxayaabaha soo dadajiyay xil ka qaadistiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com