25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

Dr C/raxman Baadiyow oo weeraray DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr.Abdurahman Baadiyow oo kamid ahaa Musharaxiintii Madaxtinimada Dalka kula tartameysay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu si aad ah u dhaliilay qaabka ay Dowlada Federaalka uga qaadeyso xilalka Mas’uuliyiinta Dowlada ka tirsan.

Baadiyow waxa uu sheegay in wadada loo maraayo xil ka qaadista shaqsiyaadka Dowlada ka tirsan ay tahay mid aan munaasib aheyn, waxa uuna Farta ku goday inay sii qaldeyso Nidaam darida dalka ka jirta.

Dr Baadiyow ayaa waxa uu hadalkaani ku qoray Barta uu Facebook ku leeyahay, waxaana kamid ahaa  hadalkiisa ‘’Kana siib, kana saar ruux ruux kale ku bedel, wax weyn kuma kordhineyso hawlaha Dawladda laga rabo oo ay ugu horeyso  nabada iyo amaanka muwaadiniinta”

Dr Baadiyow ayaa waxa uu sidoo kale qoraalkiisa ku xusay in maquuninta iyo Awoodaha ay adeegsaneyso DF aan lagu gaari karinka Xalka dalka waxa uuna yiri ‘’Nabad laguma keeni karo xoog adeegsi kaliya iyo caburinta warfaafinta madaxa banaan. Nabad laguma keeni karo caburinta iyo cabsiinta xildhibaanadda. Nabad laguma keeni karo soo celinta hab-dhaqankii Nabadsugida xilligii kali-taliska. Nabad laguma keeni karo dulmi iyo xaqdarro lagu sameynayo magaca dawladnimada ee nabadu waxa ay ku jirtaa dalka oo daacad loo noqdo Awoodahana la joojiyo’’

Siyaasiga ayaa waxa uu si dadban iyo si muuqataba u dhaliilay xilalka sida maalayacniga ah shaqsiyaadka loogu magacaabayo, hadana aysan ku waareynin, waxa uuna taasi ku sheegay inay qeyb ka tahay dhaliilaha Maamulka kali-talisnimo ee ka jira Dalka.

Dhanka kale, Haddalka Siyaasiga ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo Laba maalin ay kasoo wareegtay xil ka qaadistay Aggaasimaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Somalia C/llahi Sanbaloolshe, kaasi oo la sheegay inuu xad-gudubyo u geystay Siyaasiyiin ka tirsan DF.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News