Maamulka JUBBA oo kala qeybsamay !!

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamo ka amar qaata Maamulka KMG Jubba ayaa waxa ay bur-buriyeen Xaafado badan oo ku yaalla Magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose..

Xaafadaha la burburiyay ayaa waxa ay u badan yihiin kuwa Obasiibka, waxaana la sheegayaa in qorshahaasi uu ahaa mid u gaar ah shaqsiyaad ka kala tirsan  Ammaanka iyo Arrimaha Guddaha ee Maamulka Jubba.

Ciidamada ayaa waxa ay jirdil iyo Awood u adeegsadeen Shacabkii Xaafadaasi ku noola, waxaana la Rumeysan yahay in Ciidamadaasi ay ahaayen kuwa aan Fasax u qabin fulinta Howlahaasi.

Sidoo kale, Madaxda sare ee Maamulka ayaa ku kala qeybsamay Falka sida Amar la’aanta ah loogu burburiyay Guryahaasi faraha badan iyo Jir dilka loo geystay dadkii ku noola guryaha.

Qaar ka tirsan Maamulka ayaa iyagu Falkaasi ku micneeyay mid lagu boobayo guryaha ay degan yihiin dadka Fuqarada ah, halka qaarna ay ka sheegen in dhulka uu yahay mid aan degnaanshihiisa amar loo heysan.

Dhanka kale, waxaa jira  dhaqdhaqaaqyo ay Beelaha qaar kusoo ceshanayaan Boosaskooda, waxaana suuragal ah in Khilaafka ka dhex dhashay Maamulka uu isku bedelo Arin qabiil

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

caasimada@live.com