Ciidamada AMISOM oo sanado badan kadib goordhow bilaabay ka bixitaanka Stadium Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamada Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay bilaaben in agabkooda ka gurtaan Stadium Muqdisho.

Ciidamada ayaa lasoo sheegayaa in goordhow ay bilaaben inay burburiyaan qeybo kamid ah dhismooyinka ay ka dhex sameysteen gudaha Garoonka kubadda ee Stadium Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay arkayeen ciidamo aad u hubeysan oo alaabo culus ka raraaya Garoonka Stadium Muqdisho kuwaasi oo u ruqaansaday dhanka xalane.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka kusoo daabacay Amb, Francisco Madeira oo ah ergeyga gaarka ah ee  Midowga Afrika u qaabilsan Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in ergayga uu aad usoo dhaweynaayo go’aanka ciidamada looga daadgureynaayo Garoonka Stadium Muqdisho.

Amb, Francisco Madeira, waxa uu sheegay inuu aad u ammaanayo qorshaha lagu banneynayo Garoonka, isagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin in uu dib ugu laabto Gacanta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Garoonka degnaa inkabadan 10 sano oo saldhig u aheyd.

Si kastaba ha ahatee, talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili uu dhawaan Ra’isul wasaaraha dalka amar ku bixiyay in si degdeg ah ciidamada AMISOM looga saaro Stadium Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com