Xog: Muxuu salka ku hayaa dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee uu madaxweyne kuxigeenka Puntland ka wado Muqdisho?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka M/Gobolleedka Puntland ayaa in muddo ah ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Sida ay xogo hoose ku warramayaa Camey waxa uu magaalada ugu yimi oo ku og Raisul Wasaare Kheyre oo ay si gaar ah isugu soo arkeen Garowe markii uu booqday Puntland.

Sida ay ilo xog ogaal ah ugu warrameen Caasimadda Online, madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullahi Xaaji Cumar Camey waxa uu qorsheynayaa in uu dhawaan ku dhawaaqo in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweyne ee Puntland.

MUXUU SALKA KU HAYAA JOOGISTIISA MUQDISHO?

Ilo Wareedyada u warramaya Caasimadda Online ayaa sheegay in Camey uu taageero ka raadinayo dowladda Federal-ka ay isaga oo ka dalbanaya in ay doorashada ku gacan siiyaan.

Wali ma cadda in Camey taageero ka heli doono dowladda balse waxyaabaha ay isla soo qaadeen RW Xassan Cali Kheyre ayaa la sheegeyaa in ay qeyb ka tahay DHAQAALE XOOG LEH in la siiyo oo uu ku galo doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com