Ciidamada ammaanka oo maqaayad Muqdisho ku taalla kala baxay laba wiil

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay laba wiil oo dhalinyaro ah kala baxay maqaayad ku taala degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir.

Wiilashaan ayaa ka tirsanaa shaqaalaha maqaayadda, waxaana la sheegay in Ciidamada markii ay soo galeen maqaayadda ay toos u abaareen labada wiil, kadibna ay ka kaxeesteen goobtaasi.

Dadkii Maqaayadda ku sugnaa iyo shaqaalaha kale ee maqaayadda ayey ku wargeliyeen in aysan jirin wax dhib ah oo ay shaqadooda sii wataan ragaana la soo baari doono.

Maqaayadda Wiilashaan laga ka xeestay ayaa habeen hore banaankeeda waxaa lagu dilay sarkaal ka tirsan wasaaradda amniga Soomaaliya, waana markii saddexaad oo maqaayadaan gudaheeda iyo banaankeeda lagu dilo shaqaale iyo ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Ma jirto wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay hey’adaha amaanka Soomaaliya iyo maamulka Gobalka Banaadir oo arintaan ku saabsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com