Somaliland oo war cusub kasoo saartay dilkii labada sarkaal ee gobolka Sanaag

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Somaliland, Xasan Gaafaadhi oo warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa ayaa wuxuu ka hadlay dilkii loo geystay labo sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Somaliland..

Wasiirka ayaa sheegay in weli lagu raad-joogo dadkii falkaasi geystay, isagoona sheegay inay jiraan dad loo soo qab-qabtay dilkaasi.

Wasiir Gaafaadhi oo ka hadlaya arrimahaasi wuxuu yiri “Dhacdada howl badan ayaa laga galay dadkii geystay waxna waa la hayaa waxna waa lagu daba jiraa, sharciga iyo cadaaladuna wuxuu farayaa in dambiilaha lasoo qabto, Xukuumada iyo ciidamada qarankuna xil weyn-bey howshaa ay ka hayaan, dhowaana ‘Insha-allahu-tacaala’ waxaan rajeynaynaa wixii waxaa geystay in lasoo qabto”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Dadka taakuleyay dadkaa wax geystay iyo iyagu waa isku dambi meel ay ku kala harayaana ma-jiraan, waxaanu leenahay cidii uu dambigaa la galay dadkaa waa inay soo dhiiban, hayn kari maysaan waana ku eedoweysan, waadna ku godobowaysan, sharciga ayaa idin qabanaya, iska soo dhiiba, iska tilmaama oo sheega”.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka jawaabay hadal uu dhowaan ka yiri Boqor Cismaan Buur-Madow dilkii Saraakiishaas, wuxuuna yiri “Waxaan rabaa inaan tix-raac ku sameeyo boqor Cismaan Buur-Madow oo ku tiraabay dhacdadani inay horeba u dhici jirtay, waa ayaan-daro Dhacdadaa dhacdo la mid ah hore u dhacday ma jirto”.

“Marka la eego waxyaabihii ka dhacay deegaankaasi oo ay ugu danbeysay dhacdadani waxay maraysa dad boqol ku dhaw-dhaw inay dhintaan, laakiin meel ay ka dhacday oo loo nisbeyn karo oo la odhan karo hore u dhici jirtay ma jirto, hadalkaasi dadkii dhibaatadu gaadheyna dacar iyo naxli buu ku abuuray, dadkii geystayna dad aan kala garaneyn dhibaatada iyo khaladka iyo saxa ayuu ku tilmaamay. Waxaan leeyahay waa dhacdo xun oo fool-xun oo aan hore u dhicin oo aan qaranka qaban”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com