Ciidamada Axmed MADOOBE oo dilay nin xog ka hayey qaraxii KISMAAYO (Shaki cusub oo jira).!!!

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Axmed Madoobe ee maamulka Jubba ayaa ku dhaqaaqay tallaabo kale oo shaki abuuri karta kadib markii ay toogteen nin la sheegay inuu saarnaa Gaarigii shalay isku qarxiyay xerada tababarka ee ciidamada dowladda.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Xasan Sankuus ayay ciidamada Axmed Madoobe markii ay hayeen saacado la baxeen oo ay toogasho ku dileen galabta iyadoo aan wax maxkamad ah la soo taagin, loogana faa’iideysan in xog laga helo.

Ninkan ayaa la ogaa inuu saarnaa gaariga NOAHA ee qaraxa laga soo buuxiyay ilaa gudaha magaaladana uu soo dhaafiyay, isla markaana uu ka degay markii uu xerada soo geliyay.

Qaar kamida saraakiisha dowlada ee xerada ayaa ku eedeeyay kooxda Axmed Madoobe inay ka dambeeyeen qaraxa lala beegsaday ciidamada isku dhafka ee Kismaayo ku sugnaa, iyagoo soo bandhigay caddeymo dhowr ah (Dhageyso codka C/rashiid Macalin Gaas) .

Waxaa kaloo jira rag kale oo lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen qaraxan oo ciidamada Axmed Madoobe ay gacanta ku hayaan.

Dilka degdegga ah ee lagu fuliyay Xasan  Sankuus ayaa xaaladda uga sii daraya, waxaana dilkiisu noqonayaa mid shaki hore leh keena, iyadoo aan maamul sharci ah laga fileyn inuu ku dhaqaaqo dil ka baxsan qaanuunka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com