Ciidamada booliiska oo xabsiga dhigay mas’uul ka tirsan xisbiga Waddani

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in Ciidammada Booliska ee Magaalada Hargeysa ay goordhoweyd xabsiga dhigeen Mas’uul ka tirsan xisbiga Waddani.

Mas’uulkan la xidhay ayaa ahaa Guddoomiyaha garabka dhallinyarada ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Maxamed Sidiiq Dhamme.

Sida uu Caasimada Online u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan xisbiga Waddani, waxa goor-dhoweyd xabsiga dhigeen ciidamadu Guddoomiye Dhamme, kaasi oo lagu haysto qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook.

Mas’uulkan ayaa shalay qoraal ku baahiyey bartiisa Facebook, kaasi oo uu Dadweynaha Gobolka Sanaag ugu baaqay inay diidaan Xaaladda Deg-dega ah ee Madaxweyne Muuse Biixi uu ku soo rogay shalay, ka dib markii Laba Sarkaal oo Ciidammada Booliska iyo Asluubta ah la dilay.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo Ciidammada Booliska Somaliland ay kasoo sareen xariga Mas’uulkan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com