Xisbiga Waddani oo war kasoo saaray xaalada deg dega ah ee madaxweynaha

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa maanta ka hadlay xaalada deg-dega ah ee Madaxweyne Muuse Biixi kusoo rogay degmooyin ka tirsan Gobolka Sanaag, kuwaasi oo kala ah Ceerigaabo, Ceel-Afweyne iyo Gar-Adag.

Waddani ayaa sidoo kale waxa uu Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida ugu baaqay in aanay ansixin Xaaladda deg-dega ah ee Madaxweynuhu shalay ku soo rogay degmooyinkaas.

Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Barkhad Jaamac Xirsi oo maanta warbaahinta la hadlayey ayaa ka hadlay arrintaasi, wuxuuna yiri:

“Go’aankii shalay ka soo baxay Xukuumadda Somaliland ee ahaa inay Xaalad deg-dega ah ku soo rogtay Gobolka Sanaag, waa arrin xumada iyo ayaan-darrooyinka haysta Xukuumadda”.

Wuxuuna intaas kusii daray Afhayeenku “Gobolka Sanaag ma geyo in talo xumada haysata Xukuumadda Kulmiye ay keento in afar qof dambi ay galeen Gobolka dhan Xaalad Milletari loogu soo rogo. Arrintani waxay Xaalad hor leh saaraysaa Caafimaadka Bulshada deegaanka deggan, waxay caqabad ku noqonaysaa gargaarka Hay’adaha Caalamiga ah. Waxaanu cod dheer ugu baaqaynaa Goleyaasha sharci-dejinta ee Guurtida iyo Wakiillada in aanay aqbalin xukunka Milletari ee Gobolkaa lagu soo rogay, ka Xisbi ahaan waanu ka digaynaa”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com