Imaaraadka Carabta oo soo faro-geliyey doorashada Somaliland hal qorshe dartiis

Hargeysa (Caasimada Online) –  Siyaasi Ismaaciil Hurre Baabaa oo ah siyaasiyiinta miisaanka leh ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sheegay in dawladda Imaaraadka Carabtu faro gelin u xaglinaysa Kulmiye ku hayso siyaasadda Somaliland iyo arrimaha doorashooyinka.

Buubaa oo si dhaw ula socda siyaasadda gobolka iyo xulafooyinka ku lugta leh ayaa sheegay in ay jiraan ifafaalooyin muujinaya in Abu Dabay Shidaalinayso tallaabooyin aan haboonayn oo xukuumadda Kulmiye qaadayso iyo kuwo ay soo waddo.

Ismaaciil Hurre Buubaa oo waraysi siinayay telefishanka Universal waxa uu odorosay socdaalkii madaxweyne Biixi iyo waxyaabihii xukuumaddu ka tidhi “Siyaasadda odoroskeedu waxay macno ku samaysa waaqacyo kala duwan oo laga yaabo in ay meelo siyaabo gooni ah uga kala dhaceen haddana cilaaqaad ka dhexeeyo,” ayuu yidhi Prof Buubaa.

Waxa uu intaasi raaciyay waxyaabaha uga soo baxay dhacdooyin daba socday safarkii madaxweyne Biixi badhtamihii bishan ku tagay Imaaraadka Carabta.

“Anigu waxaan u arka wasiirka arrimaha dibadda ee la socday madaxweyne Muuse Biixi socdaalkii uu ku tagay Imaaraadka hadalladii uu ku dhawaaqay iyo wasiirka Daakhiligu isaga oo markii dambe la fadhiya xisbiga UCID isaguna arrimo uu ku dhawaaqay in ay arrimo fara badan ka dhexeeyaan. Waa mid e wasiirka arrimaha dibaddu wuxuu inoo sheegay in arrimaha lagu soo heshiiyay Imaaraadka ay ka mid ahaayeen sidii loola dagaallami lahaa argagixisada, wasiirka daakhiliguna markii uu la fadhiistay UCID wuxuu sheegay in xisbiga WADDANI laga kaaftoomi karo oo xisbiga Kulmiye iyo xisbiga UCID ay kaligood qaban karaan doorasho” ayuu yiri Buubaab.

Waxa uu intaas ku daray “Waxaa la ogsoon yahay arrintaasi in ay tahay arrin khalkhal iyo dhibaato weyn keeni karta aniga waxay ila tahay kolka la yidhaahdo Waddani waa la janibaya waxaanan u diyaar nahay argagixiso iyo wixii dhibaato sameeya shaqo ka qabano dawladda Imaaraadkana arrintaas baanu kala soo hadalnay cid kasta way u caddahay cidda loo jeedo iyo sida ay wax yihiin. Anaga oo ixtiraamayna walaalahayaga Carbeed ee Imaaraadka waxaanu aad iyo aad si dheer ugu sheegayna innaba in aanan u dulqaadan doonin wixii aanu aragno in ay burburinayso geeddi socodka dimuqraadiyadda ee dadkayagu doortay in uu noqdo sida aanu siyaasaddayada u maamulno.”

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com